Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Baarlamaanka Puntland oo fuliyay qorshihii madaxtooyada kala dirayna golihii Wasiirada
    Somalia

    Baarlamaanka Puntland oo fuliyay qorshihii madaxtooyada kala dirayna golihii Wasiirada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 18, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Afhayeenka baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa u codeeyey ajnadaha maanta sida loo kala hormarinaayo, waxaana u codeeyey in Mooshinka lagu bilaabo 47 Xildhibaan. Afhayeenka ayaa Xildhibaanada hortooda ka akhriyey Mooshinka iyo sababaha ay Xildhibaanadu u cuskadeen oo ah in Golaha Wasiiradu ku fashilmeen shaqadii loo igmadey sida Amniga, Hormarinta dhaqaalaha,
    Bixinta xuquuqda shaqaalaha.

    Fadhiga baarlamaanka Puntland oo ay goob joog ka ahaayeen 57 xildhibaan ayaa cod la geliyay golaha wasiirada, 47 xubnood ayaa kala laabtay kalsoonida , hal mudane ayaana diiday, 9 xildhibaana waa ay ka aamuseen.

    Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirada in la riday.

    Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa fuliyay qorshe kaga yimid dhanka madaxtooyada sida aanx ogta ku helnay.

    Madaxweyne Gaas oo ay ku adkaatay in uu hal mar kala diro ama isbadal weyn ku sameeyo Golahiisa Wasiirada ayaa abaabul hoose udiray Xildhibaanada,abaabulkaas oo ay kalsoonida ugala laabanayaan Golaha wasiirada.

    Madaxweyne Gaas ayaa talaabadan ay u tahay eed la’aan in laga hor leexiyay wasiiro uu khaati ka taagnaa.

    Isku soo wada duuboo talaabadan ayaa muujinaysa in nidaamka Dawliga ee Puntland uu yahay mid shaqaynaya,si gaar ah baarlamaanka Puntland waxay ka dhigaysaa mid waajibkiisa gudanaya,waana markii koowaad taariikhda Puntland halmar baarlamaanku kalsoonida kala laabto Golaha Wasiirada.

    Lasoco wararkayaga danbe.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.