Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka: Heshiiska Madaxweynaha ahaa Somali iyo Kenya wuxuu saameyn Geeska Africa
    Somalia

    Beesha Caalamka: Heshiiska Madaxweynaha ahaa Somali iyo Kenya wuxuu saameyn Geeska Africa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany,IGAD, Italy,OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

    War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiskii 14kii bishan ay ku gaareen magaalada Nairobi Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru uu ahaa tallaabo qiime leh  oo lagu xoojinayo xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal.

    “Waxaan ammaaneynaa dadaalada shaqsi ee ay geliyeen labada hogaamiye sidii loo horumarin lahaa xiriirka u dhexeeya  Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in heshiiska labada wadan uu yahay mid u horseedaya horumar shacabka labada dal,uuna saameyn xoog leh ku yeelanayo horumarka guud ee Geeska Afrika,”ayaa lagu yiri bayaanka.

    Beesha Caalamka ayaa rajo weyn ka muujisay in la hirgelin doono qodobada ay ku heshiiyeen labada madaxweyne kuwaasoo sii xoojinaya xiriirka labada dal.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.