Wakhtigu intuusan kaa dhamaan oo weedhaada weli loo hakanayo ku dhawoow wada xaajoodka,waa macnaha fariimaha kasoo dhacayay ilaa Shalay BC.
Dhawr Bilood kadib,waxaad la mid tahay siyaasiyiinta caadiga ah ee Dalka,waxaana la maqaam noqonaysa Madaxweynayaashii hore oo waxaa laguugu yeerayaa ( Former President Of Somalia).
Sideedaba Xasan ma’ahan hogaamiye Dad dumi kara oo jihayn kara ee waa siyaasi ku fiican maaraynta siyaasada Maalinlaha ah.
Tusaale?
Qofna ma filayn xiligan in Xasan Dastuur waxkabadalkii isku dayayo,iyadoo uu Gogol dhigay,isla markaana arimaha Miiska saaran ay ugu mudan yihiin kusoo laabashada Dastuurkii saxda ahaa.
Waa cadayn cad uu ku tusaysa Laba Qodob oo kala ah……..
- In uusan ahayn hogaamiye aragti leh.
- In uusan haysan Dad wax kabadali kara oo leh caqli kiisa dhaama ama fahan kale oo kaliya ay la joogaan kuwo u Camiri kara.
Xasan Shiikh,waa la duntay Dowladnimadii xaqiiqiyan,wax uu hayana maleh.

