Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay jihada ay ku socoto Siyaasadda Soomaaliya (Warbixin)
    Somalia

    Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay jihada ay ku socoto Siyaasadda Soomaaliya (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 3, 2019Updated:October 3, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, kuwaas si isku mid ah ugu dhaliilay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya guul-darooyinka dul hoganaya ee la xiriira Wada-shaqeynta iyo midnimo la,aanta ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

    Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si cad u sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilmeen in dalka ay ku hoggaamiyaan Siyaasad xasiloon, taas oo sabab u noqon karta Guulo laga gaaro Tiirarkii ugu muhiimsan ee Dalka, sida Dib-u-eegista Dastuurka, Dhismaha Ciidan Qaran, Qeybsiga Kheyraadka iyo in Dalka ay ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah 2020-ka.

    Sidoo kale, Wakiilada Caalamka ayaa sheegay in kaalmo ay siiyaan Soomaaliya wixii had aka dambeeya ay ku xirnaan doonto Siyaasad loo dhan yahay iyo in Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya ay wada-tashi ka yeeshaan Marxalada kala duwan ee ay mareyso Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in taas ay ku imaanayso in loo hoggaansamo Dastuurka iyo Shuruucda Dalka ee ku dhisan nidaamka Federaalka.

    Halkaan Hoose ka Akhriso Dulucda hadaladii qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamku ay ka jeediyeen Shirka Madasha Iskaashiga ee Soomaaliya iyo Caalamka oo shalay lasoo gaba-gabeeyay;

    Faransiiska: Dowladda Faransiiska Wakiil u hadashay waxa ay sheegtay in ay rabaan deganaansho siyaasadeed, iyadoona is dul-taagtay Arinta Jubbaland oo ay sheegay in lasoo afjaro khilaafka ka dhexeeya DFS iyo Jubbaland.

     Maraykanka: Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donal Yamamoto, ayaa sheegay in taageerada ay Maraykanka siinayaan Soomaaliya ay tahay diyaar balse ay rabaan siyaasad loo dhanyahay po ah Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, isagoona intaas ku daray in dayn cafinta in aysan ahayn oo qura dhanka Maaliyadda balse ku jirto siyaasad Wanaagsan oo loo dhanyahay.

    Germany: Wakiil u hadlay Dowladda Jarmalka ayaa sheegay in ay rabaan in xal loo helo Arinta Jubbaland, isagoona xusay in xal waara oo la gaaraa ay ku imaan karto siyaasad loo dhanyahay.

    Qaramada Midoobey: Wakiilka Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya Ambassador James Sworn, ayaa sheegay I muhiim ay tahay Siyaasadda loo dhanyahay iyo in Xal la helo, waxaana uu tilmaamay inay jiraan su’aalo ay kamid yihiin Awood qaybsiga Dhaqaalaha iyo Maqaamka Muqdisho.

    Midowga Africa: Wakiilka AU ahna Madaxa howlgalka AMISOM Faransisco Madero, ayaa sheegay in ay jiraan caqabado u baahan Xal, haddii aan Xal loo helin ay dib u dhigi doonaan arrimaha u yaala Soomaalida iyo saaxibadooda caalamka, ayna dhici doonaan dib u dhacyo badan.

    Si kastaba ha ahaatee, dareenka ay muujiyeen Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa timid kaddib markii Shirkaas ay qaadaceen Dowladaha Puntland iyo Jubbaland oo ah laf-dhabarka Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo shirka uga baaqsaday kaddib markii Hoggaamiyaasha DFS ay ku eedeeyeen inay ku tunteen Dastuurkii Dalka, sidoo kalena ay ku fashilmeen fulinta qodabadii horey loogu heshiiyay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.