Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Beesha Caalamka “Waxaan ku qanacsanahay in hanaan doorosho deg deg ah” (War-saxaafadeed)
    Somalia

    Beesha Caalamka “Waxaan ku qanacsanahay in hanaan doorosho deg deg ah” (War-saxaafadeed)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 6, 2021Updated:July 6, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Juunyo, ee laga soo saaray go’aano ka mid yihiin jadwal cusub oo doorasho.

    War-saxaafadeed kasoo baxay Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen. Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socod ka horumarka xagga doorashada.”

    “Waxaan hoosta ka xariiqnay in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka taageerta Farsamada Doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu daro Wakiillada Dowlad-Gobolleedyada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweyneynaan go’aanka ay Golaha Wadatashiga kala bar hoos loogu dhimay kharashka is-diiwaangalinta musharixiinta haweenka ah.

    Waxay ugu baaqeen dhammaan saamileyda, oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka doorashada, inay u gutaan si karti leh masuuliyadahooda iyo balamihii iyadoon dib u dhac lahayn horena ugu sii socdaan.

    “Waxaan ku qanacsanahay in hanaan doorosho deg deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaaliya ka caawin doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

    War-saxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.