Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Beledweyne: Meydadka 5 Qof oo kamid ahaa Dadkii Doontu la rogmatay oo la helay+VIDEO
    Puntland

    Beledweyne: Meydadka 5 Qof oo kamid ahaa Dadkii Doontu la rogmatay oo la helay+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 29, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Meydadka Ilaa 5 qof oo ka mid ah dadkii shalay lagu la’aa doonidii kula rogmatay xaafadda ay fatahaadu halakeysay ee magaalada Baledweyne ayaa maanta la helay kadib 24 saac oo la weysanaa.

    Dadka meydadkooda la helay waxaa ka mid ah Sharmaarke Khaliif iyo Deeqow Cabdi Cariif oo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada hoose ee Baledweyne. Waxaa sidoo kale ku jira Shariif Xasan iyo oo ahaa Ganaacsade iyo gudoomiyahii ururka dhalinyarada degmada Shibis ee Muqdisho oo maalmahii ugu dambeyay Baledweyne ku sugnaa, iyo wiil arday ah.

    Ilaa xalay waxaa socday baadi goobka dadkaas iyo kuwa kale oo wali aan la helin, waxaana dadka maqan ka mid ah Dahabo Xasan Axmed, oo ahayd la taliyahii dhanka aerimaha haweynka ee madaxweynaha HirShabelle.

    Dhanka kale waxaa goor dhoweyd gaaray magaalada Baledweyne Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo gudiga gurmadka oo uu dhawaan magacaabay.

    Hoos u dhac aan sidaa u badneeyn ayaa laga dareemaya biyahii daadka ee aadka u badnaa ee magaalada kusoo rogmada, walow uu is-badal dhici karo haddii uu roob xoog leh uu mar kale da’o.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.