Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Biden oo laalay Xayiraadii socdaalka iyo darbigii Trump!!!
    Somalia

    Biden oo laalay Xayiraadii socdaalka iyo darbigii Trump!!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 21, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Joe Biden oo shalay loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha 46 aad ee Mareyakanka isagoo si rasmi ah ula wareegay xafiiska Aqalka Cad ayaa saacado un kadib dhaartiisa saxiixay wareegtooyin Madaxaweyne oo uu ku laalay wareegtooyin hore uu u dhaqangaliyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Trump.

    Madaxweynaha cusub wareegtooyinka uu saxiixay waxaa kamid inuu hakiyay xayiraaddii safar ee Madaxweynihii hore ee Trump uu kusoo rogay 7 waddan oo kamid ah dalalka Muslimiinta oo Soomaaliya ay kujirto in doodkooda ay u socdaalaan Mareykanka.

    Amarkan ayaana dad badan u dhashay dalalka xayiraadda lagu soo rogay si weyn u saameeyay afartii sano ee lasoo dhaafay.

    Waxuu joojiyay darbigii Trump uu ka dhisayaay xadka Mareykanka uu la wadaago Mexico.

    Waxuu sidoo kale Mareykanka dib ugu celiyay heshiiskii cimilada ee Paris, isagoo dib uga laabtay xeerarkii uu Trump ku qafiifiyay wasaqoyga hawada.

    Joe Biden,ayaa wareegtooyinka uu soo saaray dhaartiisa kadib waxaa kamid ah, inuu qasab uga dhigay qof kasta oo galaya dhismayaasha dowladda federalka ee Mareykanka inay soo xirtaan Mask wajiga lagu xirto, taas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Coronavirus iyo qodobbo kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.