Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bill Gates iyo Xaaskiisa oo kala tagaya 27 sanno oo ay wada noolaayeen kaddib
    Somalia

    Bill Gates iyo Xaaskiisa oo kala tagaya 27 sanno oo ay wada noolaayeen kaddib

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 4, 2021Updated:May 4, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bill Gates iyo xaaskiisa Melinda ayaa shaaciyay in ay soo afjarayaan guurkooda, kadib markii ay wada joogeen muddo 27 sano ah. Waxa ay sheegeen in “aanay u muuqan inay ka lammaane ahaan horumarkooda ka shaqeyn karaan”.

    “Kadib dedaal dheer oo ku aaddan xiriirkeena, waxaan go’aansanay in aan kala tagno,” ayay ku shaaciyeen baraha ay ku leeyihiin Twitter.

    Lammaanaha ayaa isbartay 1980-meeyadii xilligaas oo ay Melinda ku biirtay shirkadda Microsoft ee uu leeyahay Bill.

    Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah, si wadajir ah ayayna u maamulaan hay’adda samafalka ee Bill & Melinda Gates oo ah tan ugu weyn caalamka.

    Hay’adda ayaa balaayiin doollar ku bixisay la dagaallanka cudurrada iyo dhiiragelinta tallaalka carruurta.

    Lammaanaha oo kaashanaya maalqabeenka kale ee Warren Buffett ayaa billaabay ololaha Giving Pledge, oo ugu baaqa dadka dhaqaalaha haysta inay maalkooda ku bixiyaan samafalka.

    Bill Gates ayaa hadda ah ninka afaraad ee ugu taajirsan caalamka, waxaana uu haystaa 124 bilyan oo dollar, sida ay shaacisay majalladda Forbes.

    Waxa uu dhaqaalaha ka sameeyay shirkadda uu wax ka asaasay ee Microsoft, oo ah tan ugu weyn ee samaysa barnaamijyada Software-ka ee ay ku shaqeeyaan kumbuyuuraatka caalamka oo dhan.

    “27-kii sano ee la soo dhaafay, waxaan korinay saddex canug oo aad u wanaagsan, waxaana samaynay hay’ad ka hawlgasha guud ahaan caalamka, dadkana u sahasha inay helaan noolal caafimaad iyo wax soo saar leh,” ayay ku sheegeen war qoraal ah oo ay wadajir u soo saareen.

    “Waxaan ka sii wada shaqeyn doonnaa hay’adda, balse nooma muuqata in aan lamaane ahaan horumarkeena ka sii shaqeyn karno wejiga xiga ee noolasheena”, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.