Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay amniga doorashooyinka+Sawirro
    Somalia

    Booliska Soomaaliya iyo AMISOM oo ka wada hadlay amniga doorashooyinka+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu la kulmay Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Amb, Francisco Madeira, iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya iyo sidii amniga loo adkeyn lahaa.

    Kulan oo ka dhacay Muqdisho oo ay ka qeybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan AMISOM iyo saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa taliyaha ciidanka Booliska Jeneraal  Xijaar wuxuu ka warbixiyay guddiga  Amniga ee dhowaan la sameeyay iyo sida ay AMISOM u taageeri karto howl-wadeenada iyaga oo sugaya amniga doorashada labada baarlamaan iyo doorashada madaxweynaha, oo la rajeynayo in dhacdo ama la qabto 2020/2021.

    Isaga oo faahfaahin ka bixinaya diyaarinta ilaa iyo hadda laga sameeyay dhinaca Amniga ayaa  Janeraal Xijaar, wuxuu kulanka ka sheegay in weli wax badan loo baahan yahay in la qabto, balse horumar ballaaran ay sameeysay  dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), iyadoo la kaashaneysa la-hawlgalayaasha caalamiga ah, si kor loogu qaado amniga Muqdisho , magaalooyinka kale iyo tuulooyinka dalka oo dhan.

    Taliyaha Ciidanka Booliiska, oo ay wehelinayeen Taliye kuxigeenka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guud Zakia Hussein Ahmed iyo saraakiil kale, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ogaado meelaha ay doorashadu ka dhici doonto, tirada dadka ka qeyb qaadan doona doorashooyinka. iyo sidoo kale in la tababaro Ciidamo dheeri ah si ay gacan uga geystaan ​​sugidda amniga doorashooyinka.

    Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Amb, Francisco Madeira ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in AMISOM iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay wada shaqeeyaan si loo ilaaliyo amniga loogana hortago weerarada ay Al-Shabaab ka geystaan Muqdisho.

    “Waxaan u baahanahay inaan eegno dhowr arimood oo u dhaxeeya ilaha jira, sida aan u sugi karno doorashooyinka, gaar ahaan waxaan kasoo qaadaneynaa khibradeena hore iyo arinta xasaasiga ah ee tilmaamida meelaha ay doorashadu ka dhici doonto ” ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

    Saraakiisha sarsare ee AMISOM ee goob joog ka ahaa kulanka waxaa ka mid ahaa Taliyaha cusub ee Booliska AMISOM, Kuxigeenka Kormeeraha Guud ee Booliska (AIG) Augustine Magnus Kailie; Lt. Gen. Osman Noor Soubagleh, oo ah La-Taliyaha Gaarka ah ee Wakiilka Gaarka ah ee Arrimaha Militariga; Maj. Gen. Fidza Dludlu, Madaxa Howlgalka AMISOM; Babatunde Taiwo, Madaxa Arimaha Siyaasadda ee AMISOM iyo Rex Dundun, Taliyaha Boliska AMISOM.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.