Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Buuhoodle: Wasiir Dhabancad oo la kulmay Isimada Gobalka Cayn+VIDEO
    Puntland

    Buuhoodle: Wasiir Dhabancad oo la kulmay Isimada Gobalka Cayn+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland iyo Masuuliyiin katirsan Labada Gole ee Puntland ayaa kulan kula qaadatay Magaalada Buuhoodle, Isimada, Nabadoonada iyo Waxgardka Gobolka Cayn.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Mr. Dhabancad iyo Isimada iyo Waxgaradka Gobolka Cayn ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Adkaynta Nabadgaliyada Gobolka iyo Difaaca, Baahinta Maamulka Iyo dhisida Golaha Deegaanka Ee degmada Buuhoodle.

    https://www.facebook.com/moilgrd/videos/2740393626003389/

    Waxgaradka iyo Isimada Gobolka Cayn ayaa Wasiir Dhabancad uga warbixyey Xaalada guud ee Gobolka, sidoo kale Wasiirka ayaa uga waramay Waxgaradka Gobolka Arrimaha Dowlada ee horumarinta Gobolka, waxaana uu ugu mahad-celiyay sida ay gacanta uga gaysteen adkaynta nabadgalyada iyo difaaca dalka.

    Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa ugu baaqay nabadoonada inay ka qayb qaataan dhisida golle deegaan oo Buuhoodle yeelato, kuwaasi oo waxtar u leh bulshada degmada ku dhaqan.

    Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la dhiso golaha deegaanka ee degmada Buuhoodle, waxaana maalmaahan magaalada Buuhoodle ku sugna qaarka mid ah Golaha wasiirada Ee Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.