Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Buundo muhiim ahayd oo lagu burburiyay gobolka Tigray
    Somalia

    Buundo muhiim ahayd oo lagu burburiyay gobolka Tigray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 2, 2021Updated:July 2, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Buundo dul marta Wabiga Tekeze, oo ahayd marin muhiim u ah in cunno gargaar ah la gaarsiiyo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Tigray ayaa la burburiyay.

    Mr Roger Sandberg oo ka socda dhaqaatiirta caafimaadka ee caalamiga ah, oo ku sugnaa buundada seddex saacadood ka dib markii la qarxiyay subaxnimadii Khamiista, ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaarsiin lahaayeen waxyaabaha aasaasiga ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool Tigray-ga.

    Guddiga Badbaadinta Caalamiga IRC) ayaa sidoo kale xaqiijiyay burburka buundada. Waxayna sheegtay in gaarsiinta gargaarka cuntada ay ka sii dhib badnaan doonto sidii hore,

    IRC waxay sheegtay inay aad uga xun tahay burburka waxayna intaas ku dartay inay sii wadi doonto baaqyada ay u jeedinayso dawlada Itoobiya ee ku aadan gargaarka bina’aadanimo ee aan xadidnayn ee ay la wadaagto gobolka Tigray.

    Afhayeenka Barnaamijka Cuntada Adduunka Peter Smerdon ayaa u sheegay warbaahinta  “Burburka buundada waxay yeelan doontaa saameyn, laakiin waxaan hadda qiimeyneynaa inta ay le’eg tahay saameynta iyo haddii ay jirto waddo kale oo aan adeegsan karno oo aan ku keeni karno kaydka cuntada ee yaala bakhaaradeena Gondor magaalada Shire. ”

    Hase yeeshee ma jirto cid si madaxbanaan u xaqiijin karto cida weerarka geysatay.
    Si kastaba, ilo wareedyo laga helay Mekelle ayaa sheegaya in burburka buundada muhiimka ah ay timid markii Ciidamada Difaaca ee Tigreega ay kusii siqayaan dhanka wabiga si ay u baacsadaan xoogaga daacada u ah dowlada ee aan wali ka bixin Tigreega.

    Dadka ku dhaqan galbeedka iyo bartamaha Tigreega ayaa ah kuwa ugu badan ee ay saameeyeen dagaalada waxaana burburka buundada ay saameyn ku yeelan doontaa tobanaan kun oo dad ah oo qarka u saaran in ay u dhintaan gaajo.

    “Burburka buundada waxay ahayd isku day quus ah oo ENDF gaar ahaana ciidamada Amxaarada si loo wiiqo ciidamada Tigreega ee kusii siqaya”. Ayuu yiri Girmay Assefa, oo ah siyaasi u dhashay qowmiyada Tigreyga.

    Afhayeenka gobolka Amxaarada, Gizachew Muluneh, ayaa AP u sheegay in baaritaan lagu sameyn doono burburka buundada.

    Col. Getinet Adane Afhayeenka Milatariga Itoobiya ayaa sheegay in ay hayaan macluumaadka ku saabsan burburka buundada balse ay ku soo bandhigi doonaan dhowaan shir jaraa’id.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.