Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo dib u dhacay
    Somalia

    Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo dib u dhacay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 23, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa sheegay inuu dib uu ku yimid Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).

    Munaasabadda caleemo saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu waday in 26-ka bishan lagu qabto Magaalada Kismaayo ee xarun KMG ah ee Jubbaland.

    Guddigii loo xilsaaray qaban qaabada xafladaas ayaa la sheegay inay dib u dhigeen xilliga xafladdu ay dhaceyso, inkastoo aan wali si rasmi ah loo shaacin dib u dhaca xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe.

    Dib u dhaca ku yimid Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka dambeysay kaddib Xiisado Siyaasadeed oo ka taagan Dalka, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xayiraad saartay Diyaaradaha u safra Magaalada Kismaayo, sidoo kalena shalay xayiraad la saaray diyaarad ka qaadi laheyd Muqdisho Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Caleema Madaxweyne Axmed Madoobe loo dhigay bisha soo socota ee October, iyadoona ay jiraan is-bedelo ku imaanaya tirada Dad la casuumay oo Guddigu kordhin doonaan.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xariyaad dheeri ah oo dhanka hawada ah waxa ay kusoo rogtay Magaalada Kismaayo, iyadoo sheegtay in mudo seddax maalmood ah aysan wax diyaarad ah ka dagi karin Kismaayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.