Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Cali Gacal “Puntland baa iga reebtay Shirka Guddoonka Baarlamaanada ee Garoowe” (Daawo)
    Puntland

    Cali Gacal “Puntland baa iga reebtay Shirka Guddoonka Baarlamaanada ee Garoowe” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    CADAADO (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee fadhigiisu yahay Cadaado Cali Gacal Casir, ayaa ka hadlay shirka ay leeyihiin Guddoonka Baarlamaanka Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, kaasoo maalintii labaad ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

    Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Puntland ay ka reebeen inuu ka qeybgalo shirka, isagoo metalaya Maamulkiisa, wuxuuna tilmaamay in Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu u soo diray casuumaada Shirka ka socda Magaalada Garoowe.

    “Waxaan aaminayaa in arintan tahay khilaaf cusub oo hay’adaha sharci dejinta laga dhex abuuray, waxaan kaloo sheegayaa inaan aqoonsaneyn wax kasta oo shirkaas ka soo baxo, maadaama aan ka qeybgalin shirka, guddoonkii baarlamaanada oo kala maqan in go’aan la gaaro wax shaqeynayo maaha” ayuu yiri Cali Gacal Casir.

    Mr. Cali Gacal ayaa ka dalbaday Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya inay talaabo cad ka qaadaan Madaxda Puntland oo ay soo caddeeyaan sabab lagu qanci karo oo Galmudug looga reebay shirka, maadaama Guddoonkooda dhawaan ay Muqdisho uga soo qeyb galeen furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/DabaraaniMediaInc/videos/338728400174968/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.