Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»CALULA WAA MAGAALO GUUN AH
    Somalia

    CALULA WAA MAGAALO GUUN AH

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 27, 2021Updated:June 27, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Calula (Alula) waxay ahayd Xaruntii Labaad, Muqdisha ka dib, ee maamulkii gumaystaha Talyaaniga ee Somalia. Waxay leedahay gago dayuuradeed oo far cad cad oo waaweyn “CALULA” ku dul qorantahay, meel fogna adoo dayuurada saaran arkaysid. Dhanka waqooyi galbeed ee Calula waxaa ka mutuxan buurta BooliMoog ee loogu magac daray markabkii Soomaaliyeed. Dhismayaasha Calula waa kuwo ka gadisan kuwa Somalia, marka laga reebo kuwii Talyanigu ka dhisteen. Waa dhismo Carbeedyo taariikh hore kasoo jeeda. Kuwa halkaa Talyanigu ka dhisay oo waaweyn, waxaad isleedahay ma “Kaniisadaa?” Qaargood weli waxaa dusha ka saaran qalabkii ilaala Badda Cas ee Ciidamada badmaaxyada faashiistigii Benito Mussolini. Isbitaalka Calula waxaa loogu magac daray Regina Margareta (Boqoradii Margareta) ee Talyaniga. Weli waxaa isbitaalka ka muuqda sariirihi iyo quraaradihii daawadii 1930-kii la sameeyey.
    Dadka Calula ku nool waxay wax la qabaan kuwa Reer Bariga kale, marka laga hadlayo canshuur-nacaybka, sidaa awgeedna, dawlad-diidnimada. Samankii dawladihii hore, askariga canshuur-qaade ah ee Gobolka Bari loo diraa, wuxuu Muqdisha kusoo laabanjirey isagoo maalqabeen ah, siduu laaluus halkaa uga guranayey.

    Waxay ahayd bartamihii 2006 markii Xafiiska Qaramada Midowday (UN) ee Nairobi ii ogalaatay in aan aniga iyo koox ila shaqaysa safar cilmi-baaris ku tagno magaalooyinka Iskushuban, Xaafuun iyo Calula. Wafti dawlad Soomaaliyeed oo Calula tagaa waxay ahayd marsoobax, iskaba illow mid Puntland ka socda.

    General Mohamud Muuse Xirsi (General Cadde), oo ahaa Madaxweynaha Puntland, ayaa iga codsaday in uu fursada duulimaadkayga “Bariga Fog” ka faa’iideysto. Ogalaansho UN ka dib, waxan qaaday General Cadde, Wasiirkii Warfaafinta, Abdirahman Bankax, iyo Wasiirkii Amuuraha Gudaha iyo Amniga, Ahmed Abdi Xaabsade.

    Guddoomiyahii Degmada Calula wuxuu nagu sooryeeye hilib ari, meeshii aan ka sugeynay kaluun iyo khayraadka kale ee Badda Cas- waa ka qawadnay qadadaa. Ruun Dooxajoog oo ka mid ahayd gabdhihii na martigeliyey, ayaa tiri, “war bal iska aamusa. Marka keli ah oo aan hilib xoolaad cunnaa, waa markaan dabaaldageyno sida maantoo kale”.

    Taa kahor, anagoo dulheehaabayna Iskushuban, ayaan Madaxweyne Cadde Muuse ka codsaday in uusan ruqsayn Wasiirkii Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland, Abdirhaman Mohamed Mohamud Faroole, mar haduu ahaa wasiirka u qaabilsan dhanka Puntland xiriirka hay’adaha dawliga ah sida UN, oo anigu aan Wakiil uga ahaa dhanka daraasaynta baahida dib-u-dhiska Puntland, mar haday dhisantay dawladda Soomaaliyeed ee TFG. Faroole markaa waxaa loo haystaa qulqulatooyin dad ku dhinteen ee ka dhacday dhismaha Golaha Wakiillada Puntland. Cadde, wuxu iigu jawaabay, “Faroole basarxumo ayuu sameeyey”. Soo jeedintayda hawada kore ee Iskushuban ka dhacday, gacan uguma siin wasiirrada Bankax iyo Xaabsade. Faroole iyo Xaabsade saaxibna wey ahaayeen, isku doon siyaasadeed markaa wey wada saaraayeen.

    Markaan Bosaso kusoo laabtay, ayaan Faroole, oo Garowe jooga, soo wacay, si an ugu sheego in aan Cadde agtiisa waxba u oolin. Faroole waxaa dhaqan u ah, markuu dib kala kulmo dalka, in uu Australia gabaad ka dhigto – markaa ayuu Puntland halhalel uga dhoofay, sida uu sameeyeyba waaguu socday Shirweynihii lagu dhisayey Dawladda Puntland 1998, isagoo aan weli wasaaraddii laga qaadin, xilna wareejin. Kornayl Abdi Salad ayaa badalay Faroole.

    Source: ismailwarsame.blog

    @ismailwarsame

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.