Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Carmo: Ilaalada Wasiirka Amniga Puntland iyo Maleeshiyaadka Ciise Yulux oo dagaalamay
    Somalia

    Carmo: Ilaalada Wasiirka Amniga Puntland iyo Maleeshiyaadka Ciise Yulux oo dagaalamay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 18, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka imaanaya Degmada Carmo ee Gobalka Bari, ayaa sheegaya in uu ka dhacay Degmadaas Iska hor-imaad u dhexeeya Ciidan daacad u ah Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Gallan iyo Maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Ciise Yulux ee dhowaan laga saaray Magaalada Boosaaso.

    Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka daacada u ah Wasiir Gallan ay weerareen Maleeshiyo Beeleed uu hoggaaminayo Ciise Yulux oo degan Carmo, waxaana la sheegay inuu jiro dhaawac soo gaaray mid kamid ah Ilaalada Wasiirka amniga Puntland.

    Weerarkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo Gaari dagaal oo dhowaan laga qabsaday Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Gallan, ka gadaal markii Maleeshiyo Beeleedka Ciise Yulux ay gudaha u galeen Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

    Xaalada Degmada Carmo ee Gobalka Bari ayaa haatan degan, mana jirto wax war oo kasoo baxay Maamulka Degmada, Kan Gobalka iyo Dowladda Puntland oo ku aadan iska hor-imaadkan dhexmaray Ilaalada Wasiirka Amniga Puntland iyo Maleeshiyaadka uu hoggaamiyo ninka ay isku beesha yihiin ee Ciise Yulux oo kamid ahaa Hoggaamiyaashii Kooxihii Burcad-badeedka ahaa, ayna raadinayaan Dowladaha Caalamka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.