Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada AMISOM oo markale muddo kordhin loo sameynayo
    Somalia

    Ciidamada AMISOM oo markale muddo kordhin loo sameynayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 12, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ee ka howlgala wadanka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa in mudada loo kordhiyo marka la gaaro 31-ka December 2021,iyadoo looga dhigayo in ay dalka sii joogaan illaa inta ay amniga uu ka xasilayo lagana xaqiijinayo in ay dhammaato qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya.

    Kulan ay shalay yeesheen 15-ka xubnood ee Midowga Afrika u qaabilsan Ammaanka iyo nabadgalyada ayaa lagu cadeeyay go’aanka ah muddo kordhinta.

    Qorshahaan ayaa xal u noqonaya welwelka laga qabo soo afjraridda howlgalka Midowga Afrika ee soo bilawday 2007-dii maadaama uu waqti dheer qaatay ku tiirsanaanta ciidanka afrikaanka ah ee Dalal kala duwan.

    15-ka Dal ee Doorashada saddexda sano ah ku yimid ee Golaha Nabadda & amniga Midowga Afrika ayaa kala ah: Kenya, Djibouti, Ethiopia, Egypt, Nigeria, Algeria, Benin, Burundi, Cameroon, Chad, Ghana, Lesotho, Malawi, Mozambique & Senegal.

    Qorshahaan oo soo jeedin ah waxaa loo gudbiyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo taageera howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM dhankooda looga helo fasaxa waqti kordhinta Bishaan May 2021.

    Ciidamada AMISOM Sanad weliba waxaa loo kordhiyaa waqtiga, ujeedka ay Soomaaliya u joogaan waa ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee Dalka, la shaqeynta Ciidamada qaranka & la dagaalanka Al-Shabaab sida ku xusan diiwaan qorsheydka AU & UN-ka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    August 27, 2025

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka iyo Ingiriiska oo kaga hor yimid dhismaha New JL

    Wefti sare oo Qaramada Midoobey ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.