Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidammo Itoobiyaan ah oo magangalyo weydiisatay dowlada Sudan
    epa000454054 Ethiopian special forces soldiers patrol the streets of Addis Ababa, Friday 10 June 2005. Most shops were shuttered and taxis were again on strike for the third day in a row while families collected the dead for burial following riots over election results and government warnings that any more civil unrest would be dealt with sternly. EPA/STEPHEN MORRISON
    Somalia

    Ciidammo Itoobiyaan ah oo magangalyo weydiisatay dowlada Sudan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 10, 2021Updated:May 10, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in askar nabad ilaaliyeyaal hore oo itoobiyaan ah oo tiradoodu ka badan tahay boqol ay weydiisteen magangalyo caalami ah dowlada Sudan.

    Askartan oo ka soo jeeda qowmiyada Tigray ayaa waxay qayb ka ahaayeen hawlgalkii UN-ka ee dhowaan la xiray ee Darfur.

    Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in askartan ay diideen inay dib ugu laabtaan Itoobiya iyagoo ka baqaya in la silciyo.

    Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo eedeymaha la xiriira xasuuqa loo gaystay intii lagu jiray dagaalkii lix biloodlaha ahaa ee ka dhacay Tigray.

    Bishii Febraayo ee sanadkan aya sidoo kale Koofurta Suudaan koox kale oo nabad ilaaliyeyaal Itoobiyaan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Tigray ay diideen inay dalkooda ku laabtaan iyagoo sheegay inay ka cabsi qabaan in la dhibaateeyo.

    Waxaa jiray warbixino badan oo ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha intii lagu gudajiray dagaalka lix biloodlaha ah.

    Sabtidii madaxa kaniisada Orthodox ee Itoobiya – laftiisuna waa qoomiyadda Tigreega – wuxuu sheegay in dilkii ka dhacay gobolka Tigray lagu tilmaami karo xasuuq.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.