Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka DFS iyo Galmudug oo dib ula wareegay deegaanka Camaara
    Somalia

    Ciidanka DFS iyo Galmudug oo dib ula wareegay deegaanka Camaara

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 24, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa dib u qabsaday duhurnimadii maanta magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban saaka la wareegeenb Al-Shabaab, sida ay sheegeen dadka degaanka.

    Ciidamada dawladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan Camaara. Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara saaka.

    Ilaa hadda dawladda Maraykanka oo gaysata inta badan duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ma aysan xaqiijin duqayntaasi iyo inuu khasaare ka dhashay.

    Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa isaguna VOA u sheegay in dhinca cirka laga duqeeyey Al-Shabaab, waxaana uu beeniyey in ciidamda dawladda markii hore laga qabsaday camaara.

    Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in duleedka iyo degaanka Cammaara ay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka bilaabeen howlgal miino baaris ah.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.