Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka Jubbaland oo howlgallo ku dilay Saraakiil Al-Shabaab ah (Sawirro)
    Somalia

    Ciidanka Jubbaland oo howlgallo ku dilay Saraakiil Al-Shabaab ah (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 7, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin ku dhow dhow deegaanka deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55KM dhanka bari kaga beegan Magaalada Kismaayo.

    Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo ku sugnaa tuulooyinka howlgalka laga fuliyey.

    Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed sheegay in howlgalkaas ay ku dileen Saraakiil ay kamid ahaayeen madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa deeganada galbeed ee Kismaayo iyo madaxii Miinooyinka oo lagu kala magacaabi jiray Tasmiir iyo Cadaani sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Daraawiishta jubbaland ay gebi ahaanba gacanta ku hayaan Tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Cabdalla Biroole oo ay Maanta Ciidamadu howlgalka qorsheysan ka fuliyeen.

    Warkaan kasoo baxay Saraakiisha  Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee ku aadan inay howlgal ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaanan weli jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay, iyada oo weli dhankooda ka hadlin Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.