Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgallo ka fuliyay Buuraleyda Gobalka Bari.
    Somalia

    Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgallo ka fuliyay Buuraleyda Gobalka Bari.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 6, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Puntland ee PSF-ta oo ay wehlinayaan Ciidanka Badda ee (PMPF) ayaa howlgallo culus oo ka dhan ah Maleeshiyaadka Daacish ka fuliyay toga Miraale ee Gobalka Bari.

    Howlgalkan oo dhacay 4-tii bishan Janaayo (jimcihii), ayaa Ciidanku ku dileen 4 kamid ah maleeshiyaadka Daacish, oo mid kamid ah uu ahaa Saraakiisha Kooxda oo ku sugnaa Toga oo 27-KM dhanka Bari ka xiga Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

    Sidoo kale, Ciidanka PSF-ta Puntland ayaa hawlgallo culus ka fuliyay gudaha Magaalada Boosaaso, iyagoona kusoo qabqabtay dad looga shekisan yahay Kooxda Al-Shabaab iyo Daacish oo tiradoodu gaaraysa 57 Qof.

    Howlgaladan ka socda Magaalada Boosaaso iyo guud ahaan Gobalka Bari ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in Boosaaso uu gaaro dhowaan Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.