Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»CNN TV: Donald Trump nacayb gaar ah ayuu u qabaa Soomaalida”
    Somalia

    CNN TV: Donald Trump nacayb gaar ah ayuu u qabaa Soomaalida”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 8, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bilihii ugu horreeyay maamulkiisa ayaa Madaxweyne Donald Trump waxaa uu weydiiyay ku xigeenkii hore ee  Xoghayaha Amniga Gudaha Elaine Duke sababta uusan dalkiisa uga mamnuuceynin qoxootiga Soomaalida ah isaga oo ay ka muuqato carro adag, sida uu baahiyay TV-ga CNN.

    Book ay qoreen suxufiyiin ka tyirsan Wargeyska New York Times oo magaciisu yahay “Dagaalka Xuduudaha” ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Maraykanku uu dadka Soomaalida ah ka aaminsanyahay khatar soo food-saartay Maraykanka waxaana uu soo saaray amar fulineed oo dalka Maraykanka ka mamnuucaya muwaadiniinta Sideed dal oo ay Soomaalidu ka midyihiin.

    “Madaxweyne Trump iyo Stephen Miller oo ah lataliyiihsa siyaasadda, nacayb gaar ah ayey u qabaan Soomaaliya, badanaa waxay usoo qaataan marka ay ka hadlaan khataraha maraykanka uga imaanaya qaxootiga iyo soogalootiga” ayaa ku qoran buugaan oo uu soo xiganayo TV-ga CNN.

    Julie Davis iyo Michael  Shear oo ka tirsan New York Times ayaa qoray buuga shaaca ka qaaday nacaybka gaarka ah ee uu Soomaalida u qabo Madaxweyne Donald Trump.

    Bishii October 2017-kii, todobaadyo ka dib markii uu Donald Trump u cawday Elaine Duke oo kuxigeen ka hayd Amniga Gudaha ayaa lataliyihiisa Stephen Miller waxaa uu marwo Duke ku cadaadiyay in ay joojiso dadka Maraykanka kasoo gelaya 11 wadan, gaar ahaan Soomaaliya.

    Sida Buugu sheegayna Elaine Duke waa ay diiday hadalka lataliyaha Madaxweyne Trump.

    Aqalka cad ee maraykanku weli kama uusan hadlin eedahaan loo jeediyay Madaxweynaha.

    Siyaasadda ka dhanka ah soo galooyiga ee Donald Trump ayaa horseeday in ay yaraadaan qaxootiga dalkaas tagay sanadkaan oo garaya 30,000 oo qof. Waa tiro aad u yar marka loo eego dadka sanadihii hore tagi jiray Maraykanka.

    Sanadka soo socdana waxaa uu Trump balanqaaday in uu tirada gaarsiin doono 18,000 oo qof.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.