Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Daahir M Geelle “Rooble laga aqbali maayo, wixii Farmaajo laga diiday”
    Somalia

    Daahir M Geelle “Rooble laga aqbali maayo, wixii Farmaajo laga diiday”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 17, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Musharax Daahir Maxamuud Geelle ahna Afhayeenka Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa soo bandhigay shan qodob oo laga doonayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ka hor shirka looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka ee loo madlan yahay 201-ka Bishaan.

    Musharax Daahir Geelle ayaa ku sheegay Shanta qodob inay yihiin kuwo muhiim u ah Ra’iisul Wasaaraha in uu ogaado si ay ugu fududaato in heshiis doorasho lagu garo shirka Madaxda dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

    Hoos Ka Akhriso Shanta qodob ee uu shaaciyay Musharax Daahir Maxamuud Geelle.

    Waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra’iisalwasaare Mohamed Hussein Roble uu shan arrimood ogaado kahor inta uusan tagin shirka 20ka May.

    1- In uu ogaado in aan laga aqbali doonin wixii Farmaajo laga diiday.

    2- In uu ogaado in heshiiski 17ka September uu kaliya aasaas yahay, balse ay tahay in laga heshiiyo waxa la isku haayo oo dhan.

    3- In uu ogaado in taageerada uu ka haysto mucaaradka, ciidamada, beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada ay tahay mid shardiyaysan oo uu ku kasbaday in uu ka leexaday waddadii hore loogu lumay.

    4- In uu ogaado in arrinta aan sheegi jirnay ee ahayd in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato uu micnaheedu yahay in ay ku dhamaato miis loo dhan yahay oon lagu kala maqanayn.

    5- In uu ogaado in miiska oo saamilayda loo diido, kuwa fadhiyana looga kaco uu yahay habdhaqan hore loogu hungoobay laguna fashilmay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.