Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Daawo Sawirro: Madaxweyne Deni oo Daah-furay bandhigga Buugaagta ee Garoowe
    Puntland

    Daawo Sawirro: Madaxweyne Deni oo Daah-furay bandhigga Buugaagta ee Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 23, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Jaamacadda PSU Garoowe si rasmi ah ugu daahfuray Bandhigga Buugaagta Garoowe #GIBF2019 oo sanadkii 5-aad la qabanaayo.

    Madaxweyna waxaa ku wehelinaayey daahfurka bandhigga masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Abwaano Soomaaliyeed, qalinley ka timid dhammaan geyiga Soomaalida, macalimiin, arday, siyaasiyiin, bulshada caasimadda iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweynaha Puntland ayaa mahadbalaadhan u jeediyey cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda Bandhigga Buugaagta Garoowe, waxa uu soo dhoweeyey marti sharafta kasoo qayb gashay munaasibadda, waxaana uu ka tacsiyeeyey waxyeeladii qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

    • “Waxaan marka u horaysa ka tacsiyaynayaa qaraxii xanuunka badnaa ee ay ku dhinteen 17 ka qof ee ka dhacay Muqdisho, waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janosiiyo, intii ku dhaawacantayna in uu u booga dhayo, Samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladoodii iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan”

    • “Waxaa aad ugu faraxsanahay in giyiga Soomaaliyeed uu aad uga hanaqaaday, aqoonta iyo koboceeda iyo jiilka cusub sida ay u danaynayaan inay noqdaan dad waxqora oo wax akhriya, waxaa aad u soo badanaaya wax akhristayaasha, walaw ay caqabad ku tahay elegtaroonigu, balse waxaan rajaynayaa inay badato akhriska buugaagtu, si loo dhiirigeliyona waa in Buugaagta laga gataa qalinleyda, ummad kasta oo horumartay, ummad kasta oo meel tiigsatay waxay dalalkooda wax uga bedelayaan waa aqoon” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa qalinleyda kula dardaarmay in qoraalkooda noqdo mid dalkooda horumarinaaya oo ka hadlaaya koboca bulshada ee mid dhaqaale, dhaqan, amni iyo wadajir, waxa uu u rajeeyey bandhigga inuu guulaysto.

    • “Waxaan rajaynayaa inuu guulaysto bandhigga Buugaagta Garoowe, waxaa nasiib wanaag ah in uu kusoo Beegmay todobaadkii Puntland dhidibada loo taagay, waxaa muhiim ah madaama bandhigga qayb ka yahay todobaadka Puntland in looga hadlo waxa inoo qabsoomay, Waxaan inoo qabsoomin, halka aan hiigsanayno iyo horumarkeena, waxaan soo jeedinayaa in dooddaasi ay qayb ka ahaadaan dadka banaanka ka yimid” Ayuu yiri Madaxweynuhu” 
    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay in la tageero dadka ehelka u ah hal-abuuraka iyo qoraalka si bulshadeenu u ahaato mid horumartay. Waxaana uu si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta Garoowe #GIBF2019.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.