Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaalka Gobolka Tigray ee Itoobiya oo galay marxalad halis ah
    Somalia

    Dagaalka Gobolka Tigray ee Itoobiya oo galay marxalad halis ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 7, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dagaalka gobolka Tigray ee Itoobiya oo sii fidaya ayaa wajahay halis cusub Jimcihii, iyadoo sarkaal ka tirsan gobolka Amxaarada uu sheegay in ciidamada Amxaarada ay Sabtida weerar ku qaadi doonaan ciidamada Tigreega ee la wareegay gacan ku heynta magaalada taariikhiga ah ee Lailibela.

    “Waxaa la joogaa xilligii dadka Amxaaradu ay cagta marin lahaayeen argagixisada, qof kasta waa inuu diyaar u noqdaa inuu is difaaco” ayuu yiri madaxa nabadda iyo amniga ee gobolka Amxaarada Sema Tiruneh oo la hadlayay warbaahinta gobolkaas.

    Afhayeenka ciidamada Tigray Getachew Reda oo ka jawaabayay hadalka Sema Tiruneh ayaa u sheegay Associated Press “soo dhoweyn diirran ayaan u samayn doonnaa.”

    Colaadahan ayaa xassilooni darro ka abuuraya dalka labaad ee ugu dadka badan Africa, halkaas oo kumanaan qof oo hore ugu dhinteen dagaalka socday sagaalka bilood.

    Wareysi khadka taleefanka ah ayuu Getachew ku sheegay in ciidamada Tigray ay u tallaabeen gobolka Amxaarada iyo gobolka Canfarta toddobaadyadii la soo dhaafay, isagoo sida uu sheegayay ay isku dayayeen inay jebiyaan go’doominta ay dowladda Itoobiya ku soo rogtay gobolka Tigray.

    Boqolaal kun oo qof ayaa wajahaya xaalado macluul ah, waxaana Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ay toddobaadkan saraakiil sare u direen Itoobiya si ay ugu boorriyaan in gargaar dheeraad ah la gaarsiiyo.

    In kasta oo Qaramada Midoobey iyo Mareykanku ay qeylo dhaan ka muujinayaan go’doominta dowladda Itoobiya ay ku hayso gobolka Tigray iyo dadkeeda Lixda milyan oo qof ah, haddana ciidamada Tigreegu waxay wacad ku mareen inay sugi doonaan ammaanka gobolka, ayna baacsanayaan waxay ugu yeereen “cadowga Tigray”.

    Waxay sheegeen in mid ka mid ah shuuruudaha horudhaca ah ee wadahadal ay la galaan ay tahay is-casilaadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

    Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa ka digtay in soo galitaanka ciidamada Tigreega ee Amxaarada iyo Canfarta “ay tijaabinayaan dulqaadka dowladda federaalka, ayna ku khasbeyso inay bedesho difaacad ay gashay xabaddjoojinta ka dhaqangashay dhinacooda xaaladda bini’aadamnimada aawadeed”.

    Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa ka codsaday xoogagga Tigray inay oggolaadaan wadahdal nabadeed oo aysan ku xirneyn wax shuruud ah.

    AP/VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.