Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dawlada Fadaraalka oo digniin adag udirtay Ganacsatada lacagta siisa Alshabaab
    Somalia

    Dawlada Fadaraalka oo digniin adag udirtay Ganacsatada lacagta siisa Alshabaab

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow oo ka hadlay shir saxaafadeed si wadajir ah ugu qabtay isaga iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliiska ayaa sheegay in go’aan ay ka soo saareen golaha wasiirada Soomaaliya in taageero dhaqaale la siiyo kooxda Al-shabaab.
     
    Wasiir Ducaale ayaa xusay in ay dambi tahay nooca kasta oo taageero la siinayo kooxda Alshabaab sida ganacsi, siyaasad, qarinta, la xiriirka, niyad u dhisid iyo wixii lamid ah la joojiyay cidii lagu helo ay dambiile u aqoonsan doonto dowladda Soomaaliya.
     
    “Tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa cidii u aqoosata Alshabaab maamul jira,mana jiro cid xukun u aadi karta waxaan ognahay in xukun maxkamadeed loo aado Toorotoorow,Bariire iyo meelo kale,”ayuu yiri wasiirka Amniga dowlada federalka Soomaaliya.
     
    Sidoo kale dowlada ayaa sheegtay inay ka mamnuucday hay’adaha isgaarsiinta inay lacago u xawilaan ururka Alshabaab isla markaana Bangiyada aysan dhigin karin Alshabaab.Amaradan uu sheegay wasiirka amniga ayuu ku tilmaamay inay yihiin go’aano ay gaareen golaha wasiirada.
     
    aliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa dhankiisa sheegay in dhaqaale kala duwan ay Al-shabaab hesho kuwaasoo loogu yeero magacyo kala duwan, sida taakuleyn, Zakawaad, ganaax iyo qaar kale ayna dhamaantood yihiin mamnuuc.
     
    Waxaa kale oo uu intaa ku daray iney hayaan liiska ganacsato iyo shirkado si toos ah iyo si dadban lacag u siiyo Al-shabaab wuxuuna xusay in hadda ka dib aan loo dulqaadan doonin.
     
     
    Qodobada caawa ka soo baxay laamaha amaanka ayaa waxay kala yihiin sidan:-
     
    1-In aan la aqbali doonin in lacago la siyo Alshabaab taasi oo ay ugu yeeraan taakuleynta iyo sakawaad.
     
    2- Cid kasta oo alshabaab lacag siiso in talaabo laga qaado,lamina aqbalayo in mar marsiyo laga dhigto handadaad
     
    3-Ganacsatadu waxaa looga digayaa in ay taageeraan Alshabaab oo ay lacago siyaan.
     
    4-Cidii Al-shabaab u aqoonsata maamul jira talaabo ayaa laga qaadayaa.
     
    5-Xawaaladaha dalka ka jira Alshabaab lacago uma keydin karaan, lacagna uma diri karaan.
     
    6-shirkadaha Isgaarsiinta uma fududeyn karaan adeegyada kala duwan ee isgaarsiinta.
     
    7-Caawa laga bilaabo ninkii ganacsade ah oo aado deegaano Al-Shabaab maamulaan sida Tooratoorow iyo deegaano kale lacagna u geeya waa xabsi, hantidiisana Dowladda ayaa la wareegaysa.
     
    8-Cid kasta oo go’aamadan ka hortimaada talaabo ayaa laga qaadayaa, cid looga aaba yeelaayana ma jirto.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.