Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dawlado shaaciyey inay qaabili doonaan Qaxootiga Afganistan
    Somalia

    Dawlado shaaciyey inay qaabili doonaan Qaxootiga Afganistan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 18, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maraykanka, Uganda iyo Waqooyiga Mesedooniya ayaa sheegay inay qaabili doonaan Kumanaan Qaxooti ka soo baxsanaya Qalaalasaha ka taagan dalkooda.

    Milliteriga Maraykanka waxay diyaarinayaan Hoyga 22,000 oo Qaxooti Reer Afganistan ah, kuwaasi oo la dejin doono Saldhigyo Milliteri.

    Dhinaca kale, Uganda ayaa oggolaatay Codsi uu Maraykanka kaga dalbaday inay si Ku-meel-gaar ah u qaabilaan 2,000 oo Qaxooti u dhashay Afganistan.

    Wasiirada Samafalka, U diyaargarowga Masiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda, Esther Anyakun Daviniya ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Museveni oggolaaday Codsiga qaabilaada Qaxootigaasi.

    Waxay kaloo sheegtay in Dufcadii u horeysay ee Qaxootigaasi oo tiradoodu dhan tahay 500 oo qof uu qorshuhu ahaa inay Uganda soo gaaraan bishan 16-di I, balse aysan Uganda soo gaarin.

    Dhinaca kale, Dowladda Waqooyiga Mesedooniya waxay sheegtay inay qaabili doonto 450 Qaxooti oo Reer Afganistan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwii ka shaqeyn jiray Hawlaha Samafalka, Nabad-ilaalinta, Suxufiyiinta, Turjumaanada, Dhaqdhaqaaqayaasha iyo Qoysaskooda iyo kuwii la shaqeyn jirey Ciiddanka NATO iyo kuwa Waqooyiga Mesedooniya ee Afganistan ka hawl-geli jirey.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.