Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»DEG-DEG: Golaha Wasiirada Puntland oo Shir xasaasi ah haatan uga furmay Garoowe
    Puntland

    DEG-DEG: Golaha Wasiirada Puntland oo Shir xasaasi ah haatan uga furmay Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa haatan ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

    Shirkan oo ah midka caadiga ah Khamiis walba ay yeeshaan Golaha Wasiirada Puntland ayaa ka duwan kuwii ka horeeyay, waxaana uu kusoo aadayaa xilli xasaasi ah, iyadoona looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda.

    Madaxweyne Deni oo saqdii dhexe ee xalay safar dhulka ah kaga soo amba-baxay Magaalada Boosaaso oo todobaadyadii ugu dambeeyay uu ku sugnaa ayaa kulanka guddoominaya, waxaana ku sugan inta badan xubnaha Wasiirada Xukuumadda oo ay ku jiraan Wasiir ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowlayaal uu 21-kii bishan Magacaabay Madaxweynuhu.

    Shirka ayaa dib uga dhacay saacadihii la qaban jiray, waxaana uu Madaxweynuhu illaa saaka kulamo ka waday xarunta Madaxtooyadda, kuwaas oo uu la yeelanaya Masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madax ka socota Shirkadda CCECC.

    Sidoo kale, Shirkan ayaa kusoo aaday xilli la filayo in 26-ka bishan October oo ku began sabtida inuu Garoowe ka furmo Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, kaas oo furmashadiisa ay hareeyeen Loolamo adag oo u dhexeeya Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

    Shirka ayaa la filayaa inuu soo gaba-gaboobo Caawa, iyadoona laga soo saari doono War-saxaafadeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.