Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Deni oo la kulmay Odayaasha, Haweenka iyo Dhalinyarada Gobalka Hayland+VIDEO
    Puntland

    Deni oo la kulmay Odayaasha, Haweenka iyo Dhalinyarada Gobalka Hayland+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 31, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, ayaa kulan la qaatay hogaanka dhaqanka, Dhallinyarada iyo Gudoonka Haweenka Gobolka Haylaan.

    Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi, waxayna Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan la wadaageen Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobolka, horumarada socda iyo baahiyaha ka jira deegaanka , iyagoo aad uga mahadceliyey socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka iyo shaqooyinka illaa hada Gobolka ay Dowladdu ka qabatay.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi ayaa dhamaadkii kulanka hadal u jeediyay Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan, wuxuu ku bogaadiyey ka shaqeynta midnimada, Nabada iyo horumarka Gobolka, isagoo u sheegay in Dowladdu ay Gobolka ka hirgelinayso adeegyada dowliga ah ee asaasiga ah.

    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/506263029957882/

    Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Dhallinyarada Gobolka Haylaan, ayaa warbixino ka dhageystay xubno u hadlay Dhallinyarada, waxaana Madaxweynaha ay la wadaageen xaaladda dhallinyarada ee deegaanka, qorsheyaasha ay hiigsanayaan iyo baahiyaha jira ee uga xiran dhinaca Dowladda.

    Ugu dambeyntii, Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay Guddoonka Haweenka Gobolka Haylaan, waxaa ay wadaageen xaaladda guud ee Gobolka, Doorka ay horumarka ka qaateen iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin in laga caawiyo, Madaxweynaha ayaana u ballanqaaday inay Dowladdu garab taagan tahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.