Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»DF Soomaaliya oo beenisay inuu kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka USA ee Kenya
    Puntland

    DF Soomaaliya oo beenisay inuu kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka USA ee Kenya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay Warbixin uu qoray Wargeyska afka dheer ee Dailynation,kaas oo wareysi lagula yeeshay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya,isla markaana uu sheegay in Muqdisho uu yimid Madaxweyne Farmaajana uu ka dalbaday in uu ka baxo Kiiska Badda.

    Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana uusan jirin kulan dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya ee Kyle McCarter,xiligii uu yimid Muqdisho.

    “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor ayuu yiri” Amba, Tarsan

    Sidoo kale Wargayska Dailynation oo Warbixintaan qoray ayuu ugu baaqay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo, iyada oo Warbixinta ay ku saabsaneyd Wareysi lala yeeshay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya oo ka hadlay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

    Si kastaba Warbixinta uu daabacay Wargeyska afka dheer ee Dailynation ayaa waxaa uu kusoo aadaya xilli laba jeer ay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ay dib u dhigtay dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.