Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»DFS oo dhaqaale siisay Xildhibaano iyo Odayaal Reer Puntland ah (Warbixin)
    Puntland

    DFS oo dhaqaale siisay Xildhibaano iyo Odayaal Reer Puntland ah (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 13, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirta burburinta Danley Siyaasiyiin iyo  Odayaal isugu jira, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo siisay Mashruuc ku aadan Khalkhal gelinta Xasiloonida Siyaasadeed iyo mida amni ee Puntland.

    Mashruucan oo Dowladda Federaalka ay u soo wakiilatay Senator Maxamuud Mashruuc oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matala Degaanada Puntland, ayaa ujeedadiisu tahay in la iska horkeeno Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda.

    Qorshahan ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo Shir jaraa’id oo maanta ay ku qabteen Magaalada Garoowe eedeyn ugu jeediyay Madaxweynah Dowladda Puntland, sidoo kalena sheegay inay u safrayaan Magaalada Muqdisho.

    https://www.facebook.com/sbcsomalitv/videos/444356853098850/

    Sidoo kale, Odayaal kamid ah kuwa Gobalka Bari oo dhaqaale ka qaatay Xildhibaan Mashruuc, wadana abaabul ka dhan ah Xasiloonida amni iyo Hormarka Magaalada Boosaaso, ayaa Ciidanka amnigu ka baadi-goobayaan Magaalada, iyadoona ciidanku xabsiga u taxaabeen Muuse Cali Jaamac oo kamid ahaa Odayaashan.

    https://www.facebook.com/Kankaabmedia/videos/2297851263657903/

    Dhanka kale, Waxaa Magaalada Gaalkacyo ka socda abaabul ay wadaan Kooxdan isku xiran, kuwaas oo loo adeegsanayo Haweenka iyo Dhalinyarada Magaalada inay sameeyaan Banaan-baxyo ka dhan ah Dowladda Puntland, wallow kuwo fashilmay ay u muuqdaan.

    Senator Maxamuud Mashruuc ayaa ahaa Shaqsiga lahaa Qoondada ugu badan ee Mashruucii PDG ee u adeegida Ciidanka Badda Puntland, kaas oo uu Madaxweyne Deni baa’biyay kaddib markii Imaaraadka Carabta oo taakuleeya Ciidankan ay ku eedeeyeen inay ku shaqeystaan Musuq-maasuq.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.