Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DFS oo kahor timid in sanad dib loo dhigo Dhageysiga Kiiska Badda (Warbixin)
    Somalia

    DFS oo kahor timid in sanad dib loo dhigo Dhageysiga Kiiska Badda (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

    Xarunta Maxkamadda ee The Hague ayaa waxaa ku sugan Wafti ka socda Dowladaha  Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo halkaas tagay kaddib markii Maxkamadda Cadaaladda adduunku ay u yeertay Labada dhinac.

    U yeeritaanka labada Dowladood ayaa ka dambaysay markii la sheegay in Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ahaa in dib loo dhigo dhagaysiga ilaa bisha Sebtember 2020-ka, si ay u qoroto Qareeno cusub, sidoo kalena ay ugu diyaar garowdo iska difaaca Dooda Dowladda Soomaaliya.

    Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya Waftiga soomaaliya eek u sugan Hague, ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin Dowladda Soomaaliya in dib loo dhigo Kiiska Maxkamadda.

    Sidoo kale, Mr. Guuleed ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ah, islamarkaana Kenya ay dhankeeda soo gudbisay in muddo 12 bilood ah lagu daro.

    Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa bishii hore ku kulmay Magaalada New York intii uu socday kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku baaqay inay labada dawladood wada hadlaan, halka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in loo baahan yahay in maxkamadda ICJ ay goโ€™aan garsoor ka gaarto muranka badda.

    Dhagaysiga dacwaddan ayey ahayd inuu dhaco 9-13 kii bisha Sebtember ee aynu soo dhaafnay hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid dhinaca Kenya oo ku dooday inay qabsanayso qareenno cusub.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.