Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DFS oo kahor timid in sanad dib loo dhigo Dhageysiga Kiiska Badda (Warbixin)
    Somalia

    DFS oo kahor timid in sanad dib loo dhigo Dhageysiga Kiiska Badda (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

    Xarunta Maxkamadda ee The Hague ayaa waxaa ku sugan Wafti ka socda Dowladaha  Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo halkaas tagay kaddib markii Maxkamadda Cadaaladda adduunku ay u yeertay Labada dhinac.

    U yeeritaanka labada Dowladood ayaa ka dambaysay markii la sheegay in Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ahaa in dib loo dhigo dhagaysiga ilaa bisha Sebtember 2020-ka, si ay u qoroto Qareeno cusub, sidoo kalena ay ugu diyaar garowdo iska difaaca Dooda Dowladda Soomaaliya.

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, oo hoggaaminaya Waftiga soomaaliya eek u sugan Hague, ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin Dowladda Soomaaliya in dib loo dhigo Kiiska Maxkamadda.

    Sidoo kale, Mr. Guuleed ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudbisay qoraalkeeda diidmada ah, islamarkaana Kenya ay dhankeeda soo gudbisay in muddo 12 bilood ah lagu daro.

    Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa bishii hore ku kulmay Magaalada New York intii uu socday kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay iyadoo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku baaqay inay labada dawladood wada hadlaan, halka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in loo baahan yahay in maxkamadda ICJ ay go’aan garsoor ka gaarto muranka badda.

    Dhagaysiga dacwaddan ayey ahayd inuu dhaco 9-13 kii bisha Sebtember ee aynu soo dhaafnay hase yeeshee waxaa dib loogu dhigay codsi ka yimid dhinaca Kenya oo ku dooday inay qabsanayso qareenno cusub.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.