Waa awood kale oo reer Mudug muujiyeen dhismaha garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf Galkacyo.
Wasaaradda Duulista Hawada PL iyo shirkadda Galkayo Development Group (GDG),ayaa kala saxiixday heshiiska.
Ganacsato isku tagtay,ayaa qaadatay qandaraas ay ku dhisayaan garoonka oo ku kacaya $30-Milyan……
1.Waxaa la dhisayaa Dhabaha diyaaraduhu ku ordaan ( Run Way).
2.Waxaa la dhisayaa Terminalka.
3.Waxaa la dhisayaa qaybta kaydka shidaalka.
4.Waxaa la dhisayaa qaybta dabdamiska.
5.Waxaa la dhisayaa Hotel ( Five Star).
Dowlada PL,waxay ku amaanan tahay in ay ufududaysay ganacsatada maalgashiga dalka.
Heshiiska caawa lala galay ganacsatada,waa isfahan haysta hal sano oo fulin ah.
Horay,waxay reer Mudug udhiseen Dekeda Garacad oo ku baxday $200 Milyan.
