Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhuusa-mareeb: Doorashada Guddoonka Baarlamaan Galmudug oo maanta dhacaysa
    Somalia

    Dhuusa-mareeb: Doorashada Guddoonka Baarlamaan Galmudug oo maanta dhacaysa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 17, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta oo jimce ah ka dhacaysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

    7 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoonka, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya Saddex Musharax oo kala ah,Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow.

    Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa waxaa u taratamaya Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka kuxigeenka labaad ay ku tartami doonaan,Axmed Maxamed Maalin iyo faaddumo Cabdi Cali.

    Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa aad looga dareemayaa doorashada maanta dhaceysa, waxaana saacadihii lasoo dhaafay ka socday Kulamo kala duwan oo loogu loolamaya qabashada kursiga, iyada oo Amniga guud ee Magaalada aad loo adkeeyey, isla markaana lagu arkayo Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

    Doorashada Maamulka Galmudug ee lagu waddo inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb dhowaan, ayaa u muuqata mid si adag loogu loolami doono, Xukuumadda Federaalka ayaana lagu dhaliilayaa inay af-duub ku heysato Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug, iyadoo doonaysa inay codka siiyaan musharaxa ay wadato.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.