Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhuusa-mareeb: Doorashada Guddoonka Baarlamaan Galmudug oo maanta dhacaysa
    Somalia

    Dhuusa-mareeb: Doorashada Guddoonka Baarlamaan Galmudug oo maanta dhacaysa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 17, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta oo jimce ah ka dhacaysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

    7 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka Guddoonka, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya Saddex Musharax oo kala ah,Dr. Maxamed Nur Gacal, Cabdinasir Aaden Cismaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow.

    Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa waxaa u taratamaya Saadaq Sheekh yuusuf & Cabdullaahi Xersi Maxamed,halka kuxigeenka labaad ay ku tartami doonaan,Axmed Maxamed Maalin iyo faaddumo Cabdi Cali.

    Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa aad looga dareemayaa doorashada maanta dhaceysa, waxaana saacadihii lasoo dhaafay ka socday Kulamo kala duwan oo loogu loolamaya qabashada kursiga, iyada oo Amniga guud ee Magaalada aad loo adkeeyey, isla markaana lagu arkayo Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

    Doorashada Maamulka Galmudug ee lagu waddo inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb dhowaan, ayaa u muuqata mid si adag loogu loolami doono, Xukuumadda Federaalka ayaana lagu dhaliilayaa inay af-duub ku heysato Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug, iyadoo doonaysa inay codka siiyaan musharaxa ay wadato.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa kulan Bulshiyeedkii Xamse qabtay?

    September 16, 2025

    Aanada Qabiilka iyo Gobolka Mudug?

    September 16, 2025

    Jarmalku ma waxa uu aqoonsaday Somaliland?

    September 16, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa kulan Bulshiyeedkii Xamse qabtay?

    Aanada Qabiilka iyo Gobolka Mudug?

    Jarmalku ma waxa uu aqoonsaday Somaliland?

    Axmed Madoobe oo diiday in uu Xasan la fariisto

    Magaalada Galkacyo oo dooratay Duq cusub

    Ma jiray xiriir ka dhaxeeyay Argagixisada iyo Nabadoonka la dilay?

    Faallo:Mustaqbalka PL Gacmaha PL First,ayuu ku jiraa

    Xiliga ay dhacayso Doorashada Duqa Galkacyo oo la asteeyay

    Puntland oo qaramanaysa Maleeshiyaadka Beelaha

    Faahfaahin duqayn ka dhacday duleedka Degmada Ceelbuh Ee Sanaag

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.