Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Sudan oo amartay in la xiro Xaafiiska Siyaasada Ee QM
    Somalia

    Dowlada Sudan oo amartay in la xiro Xaafiiska Siyaasada Ee QM

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 17, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sudan,ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay khamiistii inay si dhakhso ah u joojiso howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee dalka ee (UNITAMS).

    Ku-simaha Wasiirka arrimaha dibadda Sudan Cali Sadeq,aya usheegay Golaha ammaanka Qaramada Midoobay,sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

    “Dawladda Sudan waxay ka codsatay Qaramada Midoobay in si deg-deg ah loo joojiyo howlgalka UNITAMS,isla markaana waxaan jeclaan lahayn inaan idiin xaqiijinno in Dowladda Sudan ay ka go’an tahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso golaha ammaanka iyo xoghaynta,”Ayuu Sadeq ku yiri qoraalkiisa.

    “Ujeeddadii loo aasaasay howlgalkan wuxuu ahaa in la caawiyo Dowladdii KMG ahayd ee Sudan kadib kacdoonkii Disembar 2018″Ayuu raaciyay qoraalkiisa Warqada Cali Sadeq,

    Warqadan,waxaa loo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres,sidoo kale,waxaa loo qeybiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM Stephane Dujarric oo wax laga weydiiyay go’aanka Sudan waxa uu xaqiijiyay in farriintaasi ay soo gaartay oo lawada gaarsiiyay Golaha Amaanka.

    Sudan,ayaa u aragta in waxqabadka Xaafiiska Siyaasada QM ee Sudan uu fashilmay,isla markaana hiigsigiisu niyad jab yahay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.