Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Ethiopia oo sheegtay in ciidankeeda ay dib u geli karaan Mekelle
    FILE PHOTO: Ethiopia's Redwan Hussein, spokesperson for the newly established State of Emergency task force and State Minister for the Foreign Affairs, speaks during a news conference regarding the fighting between Ethiopian National Defence Force (ENDF) and the Tigray Regional Special Forces, at the Ministry of Foreign Affairs, in Addis Ababa, Ethiopia November 23, 2020. REUTERS/Tiksa Negeri
    Somalia

    Dowladda Ethiopia oo sheegtay in ciidankeeda ay dib u geli karaan Mekelle

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 30, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay toddobaadyo gudahood dib ugu geli karaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray haddii loo baahdo, laba maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada TPLF.

    Afhayeen u hadlay dowladda Redwan Hussein ayaa sidoo kale sheegay in xabad-joojintii ay dowladda halkaas kaga dhowaaqday Isniintii loo sameeyey sababo bani’aadannimo.

    Waa hadalkii ugu horreeyey oo rasmi ah oo uu jeediyey mas’uul ka tirsan dowladda federaalka tan iyo markii Mekelle ay qabsadeen xoogagga Tigray-ga.

    “Ethiopia waxay u baylahan tahay weerar kaga yimaada shisheeeye, sababo la xiriira dagaalka,” ayuu yiri Redwan Hussein, ayada oo ay u muuqato inuu ula jeedo Sudan.

    Afhayeenka jabhadda TPLF Getachew Reda ayaa talaadadii u sheegay Reuters in xabad-joojinta ay dowladda ku dhowaaqday ay aheyd “kaftan”.

    Redwan ayaa xabad-joojinta ku qeexay go’aan siyaasadeed “oo loo qaatay sababo bani’adaannimo”.

    “Haddii loo baahdo si fudud ayaan ku geli karnaa Mekelle, wax ka yar saddex toddobaad gudahood,” ayuu yiri.

    Hadalka Redwan ayaa imanaya ayada oo hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ay wacad ku mareen inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin.

    War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekelle.

    “Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    REUTERS + AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    August 25, 2025

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.