Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis ku gaaray Washington+VIDEO
    Puntland

    Dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis ku gaaray Washington+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiiradda Maaliyadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku adkeystay in muranka xuduudda badda ee u dhexeeya labada Dowladood uusan joojin doonin gar-gaarka iyo ganacsiga isaga gudba xuduudaha.

    Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Ukur Yatani ayaa suxufiyiinta u sheegay in dacwadda u dhaxaysa dowladaha aysan abuurin cadaawad islamarkaana ay ka wada shaqayn doonaan in mar walba uu xiriirku hagaagsanaado.

    Waxaa ay hadalkaan kasheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Washington oo ay uga qayb galeen shrirka Bangiga Aduunka iyo Hey’adda IMF, iyagoona meesha ka saaray in heerka kasta oo uu marayo muranka Dowlaha uu saameeyo deris wanaaga iyo wada noolaanshaha.

    Wasiiradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in gar-gaarka la siinayo dadka qoxootiga ah iyo ganacsiga labada dhinac ee xuduudda ka gudbaya aan la hor istaagi doonin, islamarkaana uu u socon doono sida ugu fiican.

    Dowladda Kenya ayaa dhowr mar sameysay ficillo ay uga falcelineyso diidmadda Soomaaliya ee ah in muranka badda laga wada xaajoodo, waxayna qaaday talaabooyin xad gudub ku ah qaranimadda Soomaaliya.

    Muranka Sooomaaliya iyo Kenya waxaa uu ku saleysan yahay dhulbadeed la eg 150,000 km oo laba jiraan kana tirsan badda Soomaaliya balse Kenya ay u sheegatay in aan sharci ku salaysneyn.

    Dhul-badeedka Soomaaliyeed ee ay Kenya sheeganeyso waxaa ka buuxa khayraad-shidaal iyo kuluunba, waxaana Kenya ay mar walba dooneeysa in muranka lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah, halka ay Soomaaliya ku adkeysaneyso The Hague uu yaalo xalka muranka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.