Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Dowladda Talyaaniga oo ka caawinaysa Dowladda Soomaaliya dhismaha ciidamada (Daawo)
    Puntland

    Dowladda Talyaaniga oo ka caawinaysa Dowladda Soomaaliya dhismaha ciidamada (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 8, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wafdi ka socday dowlada Talyaaniga oo ay hoggaaminaysay Wasiirka difaaca, Elisabetta Trenta uuna qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Talyaaniga, Gen. Enzo vecciarelli, iyo xubno kale ayaa maanta soo gaaray Muqdisho,iyagoo kulan la qaatay Wasiirka difaaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe), wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo xubno kale oo katirsan Dowladda.

    Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dawladood, iskaashi laga sameeyo dhinaca Ciidamada iyo wada shaqeynta labada Wasaaradood ee difaaca.

    “Waxaan ka wada hadalnay xiriirka gaar ahaaneyd ee naga dhaxeeya Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Talyaaniga iyo Wasaaradeena, wuxuu ahaa kulan aad u qiimo badan oo aan runtii uga wada hadalnay sidii aan isaga kaashan laheyn Arrimaha Ciidanka iyo sidii wada shaqeyn dhow aan u yeelan laheyn, waxey aheyd booqasho aad iyo aad u qiimo badan”, ayuu yiri Wasiirka difaaca XFS.

    Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa leh xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, iyada oo ay dawladda Talyaanigu ay qayb ka tahay dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo hormarinta ciidamada qaranka.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/sntvnews/videos/575907439558829/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.