Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda UK oo Ciidammo fara-badan geysay dalka Yemen
    Somalia

    Dowladda UK oo Ciidammo fara-badan geysay dalka Yemen

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 9, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilaa 40 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Khaaska ee SAS ayaa waxay ka dageen Garoonka Diyaaradaha ee Al Ghaydah airport ee magaallada Mahra ee Bariga Yemen.

    Ciiddankaasi waxaa la sheegay inay ugaarsanayaan Calooshood-U-shaqaystayaal ka tirsan Kooxda Xuutiyiinta ee ka mas’uulka ahaa weerarkii dhawaan lagu qaaday Markabkii Booyadlaha ee dhawaan lagu weeraray meel ka baxsan Badda Oman.

    Ciiddanka Khaaska UK ee SAS waxaa ka mid ah kuwo ku takhasusay Qalabka Elektaroonikada si looga gun gaaro kuwa la baadigoobayo.

    Kooxda Xuutiyiinta ayaa lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkaasi oo loo adeegsaday Diyaaradaha Drones-ka ee loo adeegsado duqeymaha masaafada dheer.

    Sirdoonka Maraykanka iyo Israel waxay rumeysan yihiin in Diyaaradda Drone-ka ee loo adeegsaday Duqeynta Markabka laga ganay Bariga Yemen, laguna hagayey Qalabka GPS, iyadoo Gantaalka lagu maamulayey Kameerada ilaa uu ku habsaday Markabka.

    Weerarkaasi waxa uu bishii July 30-dii ka dhacay meel 152 nautical miles dhanka W/bari kaga toosan Dekedda Duqm ee dalka Oman.

    Ciiddanka Khaaska ee UK waxaa Hawlgalkaasi ku wehlin doona Ciiddamo Maraykan oo horey ugu sugnaa Gobalka, oo taageeraya Tababarka Ciiddanka Khaaska ee Sacuudiga.

    Dowladaha UK, Maraykanka iyo Israel waxay ku eedeeyeen Ciiddanka Iran inay ka dambeeyeen Weerarkaasi, inkastoo ay Dowladda Iran beenisay eedeymahaasi.

    Markabka la duqeeyey oo lagu magacaabo MV Mercer Street waxa uu ka soo ambabaxay Tanzania, iyadoo uu ku wajahnaa Dekedda Fujairah ee dalka Imaaraadka Carabta.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.