Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Faroole khatar buu ku yahay xiligan Puntland!!
    Somalia

    Faallo:-Faroole khatar buu ku yahay xiligan Puntland!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 15, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guuleed Saalax waa Nin Dhalinyaro ah,karti badan,dadaal muujiyay sumcadiisa uu Bulshada ku dhex leeyahayna ay sarayso waxna bartay.

    Qoys ahaan waxuu kasoo jeedaa mid taariikh ku leh Deegaanka oo waxaa awoowayaashiisa Ganbool iyo Nuur Geedi.

    Guled mahan Nin loo laandheerayn karo markay timaado gudaha beeshiisa,sidoo kale mahan Nin loo digdiglayn karo oo cidna marti noqon kara.

    Aaran-jaan iyo Guuleed”

    Aaran-jaan oo ay markan matalaan Maxamuud Shido iyo Xasan Shire Abgaal si adag bay udiidanaayeen magacaabistiisa waxayna adeegsadeen culays walba oo ay ku lahaayeen Deni in ay kaga hortagaan,balse Madaxweynuhu waa ku adkaystay.

    Ragan waxa kaliya oo ay ku diidan yihiin Guuleed waxay tahay in uu ka madaxbanaan yahay oo uusan ku xirnayn la tashan iskalana weyn yahay hadafyada ay ka duulaana uusan aaminsanayn.

    Faroole iyo Guuleed”

    Faroole waxuu uwatay booskaas Cubinta Gudiga Doorashada ee beesha Nin kale oo waliba loo badinayay Wiilkiisa Maxamed in uu ahaa,balse Madaxweynaha,ayaa ku gacansayray kuna adkaystay magacaabista Guuleed.

    Deni iyo Guleed”

    Madaxweyne Deni waxuu arkaa Nin kasoo bixi kara shaqadan,Umada usiman cid gaar udiidan aysan jirin oo aan ku ceebayn doonin fulinta barnaamijkan uu arko Deni mid ka mid ah taariikhaha lagu xasuusan doono.

    Sida aan xogta ku helay markaan baaray xiriirka Deni iyo Guled waxa uu salka ku hayo,waxaan ilo kala duwan oo xogohooda lagu kalsoonaan karo ay ii xaqiijiyeen in kaliya Madaxweynuhu ku qancay shaqsiyadiisa,aqoontiisa iyo sida Bulshada Puntland aysan dareen gaar ah uga qabin.

    Mana jirto wax kale oo uu ku doortay oo aan intaas ahayn.

    Faroole iyo Xafladii xalay”

    Guleed ma casumin Faroole,sababtoo ah waxuu diidanaa hab hadalkiisa ku salaysan hurgumada sidii dhacday.

    Hadalkii Faroole ee xalay waxuu bahdil ku ahaa Madaxweyne Deni iyo nidaamka guud.

    Sidoo kale waxuu ku ahaa bulshada Puntland hurgumo iyo kala qaybsanaan laga soo gudbay oo dib loo xasuusinayo.

    khaladaad horay udhacay iyo kicin kale oo aan oo dib loo abaabulayo.

    Xafladu waxay ahayd mid soo jiidasho shacab iyo ku qancin nidaamkan Xisbiyadavsalkeedu yahay,isla markaana loo sharaxayay habraaca doorasho ee loo diyaaariyay.

    Halkaa markay marayso oo Faroole yaqiinsaday in uusan casuumada ku jirin,ayuu Taleefoon la fariistay oo ku garaacay Karaash Madaxweyne xigeenka iyo Maxamed Cabdiladiif Agaasimaha Madaxyooyada,kadib cadaadis ka imaanayay meelo kala duwan oo la saaray labadaa masuul waxay dhalisay in Madaxweyne Deni ay ula tagaan kuna khasbaan in Faroole la casumo hadalna lasiiyo,iyadoo ugu danbayn Deni aqbalay kana codsaday Guuleed in uu tixgaliyo codsigaas.

    Faroole iyo Karaash”

    Karaash iskuma wanaagsana Madaxweynaha,waxuuna Faroole ka dhiganayaa Hub uu adeegsan karo markii uu ubaahdo sidaa,ayuuna umaalgashanayaa xeerna uga samaysanayaa madaama Faroole yahay Nin Qayliya oo aan waxba xeerin.

    Faroole iyo Puntland”

    Faroole xiligan waxuu khatar ku yahay amniga,kala danbaynta iyo maqaamka Dowladnimo ee Puntland.

    “Anaa aqaan,Anaa sameeyay,Anaa iri,waa erayada uu caanka ku noqday Faroole.

    Faroole xiligan hadaan la helin cid xakamaysa oo ay muuqato in aysan jirinba waxuu abuuri doonaa ceeb weyn oo gaarta Nidaamka Dalka.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.