Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo: Gafane-yaasha garashada ka madhan dadkuna aysan iska garan
    Somalia

    Faallo: Gafane-yaasha garashada ka madhan dadkuna aysan iska garan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 7, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gafane yaasha garashada ka madhan dadkuna aysan iska garan:
    Qaybta 1AAD ee taxanaha Xaqiiqoyinka ka daahsoon ee curyaamiyay xaladaha adeegyada Cafimadka Galkacyo gaar ahaan hospitalka guud(Mudug regional hospital)

    1. Musuq maasuq iyo maamul-xumo baahsan oo 13kii sano ee laso dhaafay ku habsatay maamulka guud ee hospitalka Gaalkacyo:

    A. Magacii hospitalka ee ahaa Mudug regional hospital oo ay maamulku hospitalka ay u badaleen University teaching hospital si ay NGO ahaan ugu isticmalaan magacan ayagoo uga fa’idaysty in ay ka samaysteen jamacad lagu magacaabo PUST oo aay jamacadaas ay dagantahy qaybo kamid dhismayaasha hospitalku lahaa, sida kaydka qaboojiyaasha hospitalka una diideen in arday an jamacadaas ka diiwangashanayn uusan practical ku samayn karin hospitalka, hadii kale uu labaxo lacag dhan $30 bishii, iyada oo aan la ogayn mesha ay lacagataas ku dhacdo.

    B. 2019 waxaa hayada UNHCR ay ugu deeqday hospitalka guud ee galkacyo agab caafimaad oo iskugu jiray Ultrasound machines (computer), oxygen concentrators (Oxygen-Sameeye), ICU vital sign monitors (qalabka la socoshada xaallada bukaanka) iyo anesthesia machines (machine-ka dadka lagu suuxiyo). Qalabkaas qaybihii ugu muhimsanaa oo Ultrasound-ka iyo Vital Sign Monitors ay ka mid yihiin, maamulka hospitalka ayaa si sharci-daro ah uga iibsaday hospital private ah.

    C. 2020 june waxaa jaaliyada reer galkacyo ee Sweden ku wareejiyeen qalab caafimaad oo dhamaa 470-item oo iskugu jiray machines kalyaha sifeeeya(Dialysis machines), machinada lagula socda xaalada oo bukanku ku suganyahay (vital sign machines) iyo oxygen dhaliyaal (oxygen concentrators) iyo sariiro iyo qalab kaloo badan, marka laga reebo machine-nada kalyaha lagu sifeeyo qalabkaas intiisa kale waxaa laga iibiyay hospital private ah.

    D. Waxaa jira program lagu caawiyo qaxootiga Ethiopian kaas oo laga caawinayo dhanka cafimaadka aasaasigaa oo dhaqalihiisa ay bixinayso hayada Save the Children,waxaana loogu talagay mashrucaan in ay ka shaqeeyan dhakhaatiir iyo daawo bixiyaal iyo kalkaaliyaal caafimaad, nasiib daro waxaa isdaba marinta ka jirta maamulka hospitalka dhacaday in shaqadii dhakhtarka iyo kalkaaliyaha iyo daawo bixiyuhuba uu qabto madaxa maaliyada hospitalka, waxaa intaas raacda in la dajiyay qorshe dadkii qaxootiga ahaa ee masuuliyada daawadooda ay qaaday hayada Save the Children looga faa’idaystay dawo bixintooda qaybaha hayada MSF gacanta ku hayso dibna loogu dalaco dhaqaalo ahaan hayada Save the Children

    E. Waxaa ka hawl gala hospital dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo xiliyo adag iyo duruufo ku soo shaqeeyay una heelan in ay wali dalkooda iyo dadkoodaba u shaqeyaan, lkn waxaa jira cabasho soo laalabatay oo ka imanaysa bukaanada iyo dadka soo booqda hospitalka oo la xiriirta adeego-xumo kadib markan cabashadaas aan u kuurgalnay, oo an waraysanay shaqalaha hospitalka waxay noo sheegeen in ay ka niyad jabsanyihiin maamul xumada iyo musuqmaasuqa baahsan ee ka jira hospitalka ayna aaminsanyihiin in ay u shaqeyaan magafayaal an ka dhargin dhiiga shacabka masaakinta ah.

    Gunnaanadka Qaybta 1-AAD
    Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaaa Hayada MSF oo ayadu kasoo baxday qaybtedii ahayd taakulaynta dadka reer galkacyo. Intaas kadib waxaan baaq u dirayaa dhamaaan inta ay masuliyadu ka saarantahy Gobalka Mudug, gar ahaan magaalada Galkacyo, sida Gudoomiyaha Gobalka iyo Duqa Degmada iyo Wasaarada Cafimaadka iyo dhamaan waxgaradka magaaladu in ay hoos uso eegaan xalaadan musuqa iyo maamul xumada hospitalka ku habsatay 13kii sano ee lasoo dhafay.

    W/Q: Dr Mohamed Abdirahman

    Lasoco qaybta 2-AAD ee taxanaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.