Sacuudigu,waa Quwad Gobolka ah oo muujisa masuuliyad oo aan isticmaalin awoodeeda,isla markaana aan samayn faragelino badan oo qaawan.
Waxaa lagu tilmaamaa quwad goboleed masuul ah oo hadana Maraykanka Sxb la ah oo aan ku noqon khatar danihiisa.
Awoodiisa,waxaa toos loo arkay markuu ku amray Imaaraadka in ay 24 saac gudahood uga baxaan Yemen oo Imaaraadku aqbalay,isla markaana Qatar ka codsaday in ay dhexdhexaadiso Sacuudiga.
Yemen,waa ku khasban yahay Sacuudigu in uu ka hawlgalo oo ulama sinna Wadamada Somaliya iyo Sudan.
Sacuudigu mudo,ayuu ku mashquulsanaa oo muhiimada hor tabinta ah siiyay gudaha dalkiisa,taasoo ka jeedisay loolanka Gobolka.
Dulqaad badan oo uu ka sameeyay siyaasada Imaaraadka ee Gobolka ugu danbayn,waa soo farageliyay,sababtoo ah,waa khad cas Yemen markay timaado amniga qaranka Sacuudiga.
10-sano ayay ku qaadatay Sacuudiga xasarada Yemen,waxaana kaga geeriyooday 13-kun oo Qof,halka Imaaraadka ay uga naf waayeen 72-Qof oo kaliya.
Yemen isku macno uma leh Imaaraadka iyo Sacuudiga oo Imaaraad,waxa uu ka duulayaa rabitaanka Dekedaha Cadan iyo Mukallah.
Imaaraadka iyo Sacuudigu,way noqon kareen isku dan,balse Imaaraadka,ayaa ka leexday oo yeeshay dano ugaar ah oo Sacuudiga khatar ku noqday.
Dowladihii Sacuudiga usoo raacay xasarada Yemen,waa ka baxeen dagaalka,waxaana ugu danbeeyay Imaaraadka.
Haatan khatartii hore ee Xuutiyiinta,waxaa kusoo biiray kooxaha gooni goosatada ah iyo Qabiilooyin Imaaraadku hubeeyay oo Kuunfurta ah oo ay tahay in Sacuudigu la tacaalo.
