Hir-shabelle,KG iyo Galmudug,waa diideen codsigii Xasan ee ahaa in waxuun sadaqo ah ay uga reebaan Lacagaha Kabida ee ay qaateen Laascaanood.
Xasan awood uma leh in uu DG Lacagtiis la baxo ama wax ka reebo oo waxaa diidaya Baanka Aduunka.
Xisaab khaldan ayay isku darsatay Beesha degta Sool Bari,waxaase ku baryay waa,waase ubaahnayd in ay aragto xaqiiqda ah in aysan xataa dhaqaale ahaan isbixin karin.
Sidoo kale beesha degta Sool Bari,waxay ogaatay in aysan jiri karin cid awooda in ay biisho oo Bil walba $ 2-Milyan la dul taagnaan karta.
Xaafiiska qurbajoogta ee ka furan LC ma noqon karo Isha Maaliyadeed ee Laascaanood ku nooshahay?
Qiimayntayda,waxaan is leeyahay Sool Bari,waxaa hayn kara SL oo uquuri karta $2 Milyan Bil walba marka la qiimeeyo hadafyada waa weyn ee SL ka duulayso.
PL iyo Xamar ma hayn karaan LC,sababtoo ah $ 2-Milyan,waxay ugu bixiyaan LC uma jeedaan kaliya maalmo siyaasad la karkarinayo way ku khasiri karaan Boqolaal Kun oo dolar.
Nolosha LC,waxay taalaa Hargaysa ee Xisaabta hayska saxdo LC.
