Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Faallo:-Markale ku laabo khudbada Madaxweyne Deni
    Puntland

    Faallo:-Markale ku laabo khudbada Madaxweyne Deni

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 1, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WQ:-Jibril Qoobey.

    Markaan saa ku leeyahay,waxaan soo gudbinayaa dareenka Dadka caadiga ah ee reer Puntland.

    Dadka Siyaasada xog ogaalka ka ah ama aragtida ka leh,way fahmi karaan hadalkaaga iyo meeshaad usocoto.

    Xalay khudbadii aad jeedisay,way kala daadisay Shacabkii umidaysnaa dagaalka iyo loolanka Xamar ee reer Puntland.

    Golayaashii lagu ururinayay Lacagaha Ciidanka,ayay saamayn ku yeelatay oo Niyad jab ka bilowday oranaya…

    (Xamar Nin usocda Lacag ku taageeri mayno).

    Khudbadii Xalay Qaybteeda aad uga hadashay Xamar,waxay ahayd mid wakhtigeedii kasoo hordhacday oo aan ku haboonayn xiligan,ayay qabaan Dad badan.

    See wax loo sixi karaa?

    Madaxweyne ku laabo hadalka oo Quluubta Shacabka Puntland daji,waa muhiim oo taageeradooda,waa mida aad uga adkaatay Siyaasiyiintii kale oo dhan.

    Ha iska shaashayn,hana lumin fursada aad haysato ee taageerada Shacabka Puntland ah.

    Dadku,waxay kuu arkaan Xamar meel ay ku hungoobeen,wakhti uga lumay,Dhiig iyo Dhaqaale ay ku bixiyeen,isla markaana wax wanaag ah oo uga soo laabtay aysan jirin oo bahalo galeen ah lana joogo xiligii laga tashan lahaa oo Puntland teeda uqumi lahayd.

    Siyaasi dareenkooda ka turjumaya oo Qiyamkooda ku ilaalinaya ayay kuu fahmeen,Xalayse,waxaa usoo xaluushay kuwii Xamar aaday oo leh…

    (Anaguu naga cayrsanayaa ee isagaa usoo socda,dana idinma hayo).

    Madaxweyne qabo hadal kale oo aad ku amaanayso doorka Qurba-joogta iyo Shacabka Gudaha kuna dul istaagayso wax walba innay kaala muhiimsan tahay Puntland iyo masiirkeeda.

    Shacabku,waa ku sugayaa Madaxweyne markale.

    Aragtidan,waxaa iga codsaday 234-Qof oo reer Puntland ah in aan gudbiyo.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.