Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo:-Qabashada Moduro iyo saamaynta caalamka?
    Somalia

    Faallo:-Qabashada Moduro iyo saamaynta caalamka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 3, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maduro,wuxuu noqday Madaxweynihii Sadexaad oo Repuplican-ku,isagoo nool Gacanta kusoo dhigaan.

    Sidoo kale,waa Madaxweynihii Labaad oo Latin America ah oo Maraykanku kasoo dhex qabto Madaxtooyadiisa,waxaana ka horeeyay Madaxweynihii Panama Jen.Manawel oo 36-sano ka hor Maantoo kale 3-Jan-1989-kii lasoo qabtay laguna xukumay 40-sano oo xarig ah,kadibna markuu xirnaa 21-sano lagu sii daayay akhlaaq wanaag uu ka muujiiyay Xabsiga,balse markale Faransiisku ku xukumay 20- sano,ugu danbayna,isagoo duloobay ku dhintay Panama markuu kasoo baxay Xabsigii Faransiiska.

    Haatan Madoru,waxaa laga soo dhex qabtay Qolkiisii Jiifka isaga iyo Qoyskiisii,waxay Maraykanku sheegeen in ay sii daynayaan Qoyska,balse,isaga ay saarayaan Maxkamad,waxaana loo haystaa ka ganacsiga danbiyo iskugu jira Hub Sharcidaro ah iyo Daroogo.

    Taliyihii sirdoonka iyo talyihii ilaalada Madaxtooyada,ayaa la shaqeeyay Maraykanka oo fududeeyay qabashadiisa,waxaa khalkhal la geliyay Raadaaradii oo shucaac lagu furay saysan u qaban Diyaaradaha Ciidamada Maraykanka,iyadoo Magaalada Caasimada ah lagu garaacay goobo cayiman oo shacabka ka fog 10 Madfac.

    Qabashada Maduro,waxay diraysaa Afar fariimood oo kala ah…..

    1.Madoru hadaan sidaa bahdilka ah loo qaban lahayn,waxaa ku dayan lahaa Wadamo kale oo Maraykanka khatar ku noqon lahaa.

    2.Maraykanku in uusan ka gorgortamayn Latin America,gaar ahaan in uusan yeelayn ka shaqaysiga dhabarkiisa danbe.

    3.Wadamada kale ee Latinka oo loo sheegay tan oo kale in ay ku dhacayso haday Maraykanka isku taagaan.

    4.Ruush iyo Shiine oo laga hor tagay xilli hore ku fididooda Latiinka,isla markaana fariin adag loo diray.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    DFS iyo GMS Oo Gudi usaaray wada hadalkooda doorashada

    February 19, 2026

    Qaramada Midoobay oo fariin kale oo digniin ah udirtay Mw Xasan Shiikh

    February 19, 2026

    Kulankii GMS iyo DFS oo isfahan waa kusoo dhamaaday

    February 19, 2026
    Latest Posts

    DFS iyo GMS Oo Gudi usaaray wada hadalkooda doorashada

    Qaramada Midoobay oo fariin kale oo digniin ah udirtay Mw Xasan Shiikh

    Kulankii GMS iyo DFS oo isfahan waa kusoo dhamaaday

    GMS iyo DFS oo Shirkii ugu horeeyay uga furmay Villa Somaliya

    Muxuu ka yiri Boqorka Uk xariga Walaalkiis?

    Deni iyo Axmed oo aqbalay ku Sheridan Villa Somaliya

    Maxay tahay sababta shaqo joojinta loogu sameeyay Wasiirkii qorshaynta PL?

    Faallo:-Itoobiya haday Bad hesho Gaajada iyo dib udhaca maka baxaysaa?

    Xog:-Maxaan kala soconaa hawlgalka shidaal qodista Turkiga Ee Somaliya?

    Xog:-Dowlada Puntland iyo waxqabadkeeda Gobolka Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.