Maduro,wuxuu noqday Madaxweynihii Sadexaad oo Repuplican-ku,isagoo nool Gacanta kusoo dhigaan.
Sidoo kale,waa Madaxweynihii Labaad oo Latin America ah oo Maraykanku kasoo dhex qabto Madaxtooyadiisa,waxaana ka horeeyay Madaxweynihii Panama Jen.Manawel oo 36-sano ka hor Maantoo kale 3-Jan-1989-kii lasoo qabtay laguna xukumay 40-sano oo xarig ah,kadibna markuu xirnaa 21-sano lagu sii daayay akhlaaq wanaag uu ka muujiiyay Xabsiga,balse markale Faransiisku ku xukumay 20- sano,ugu danbayna,isagoo duloobay ku dhintay Panama markuu kasoo baxay Xabsigii Faransiiska.
Haatan Madoru,waxaa laga soo dhex qabtay Qolkiisii Jiifka isaga iyo Qoyskiisii,waxay Maraykanku sheegeen in ay sii daynayaan Qoyska,balse,isaga ay saarayaan Maxkamad,waxaana loo haystaa ka ganacsiga danbiyo iskugu jira Hub Sharcidaro ah iyo Daroogo.
Taliyihii sirdoonka iyo talyihii ilaalada Madaxtooyada,ayaa la shaqeeyay Maraykanka oo fududeeyay qabashadiisa,waxaa khalkhal la geliyay Raadaaradii oo shucaac lagu furay saysan u qaban Diyaaradaha Ciidamada Maraykanka,iyadoo Magaalada Caasimada ah lagu garaacay goobo cayiman oo shacabka ka fog 10 Madfac.
Qabashada Maduro,waxay diraysaa Afar fariimood oo kala ah…..
1.Madoru hadaan sidaa bahdilka ah loo qaban lahayn,waxaa ku dayan lahaa Wadamo kale oo Maraykanka khatar ku noqon lahaa.
2.Maraykanku in uusan ka gorgortamayn Latin America,gaar ahaan in uusan yeelayn ka shaqaysiga dhabarkiisa danbe.
3.Wadamada kale ee Latinka oo loo sheegay tan oo kale in ay ku dhacayso haday Maraykanka isku taagaan.
4.Ruush iyo Shiine oo laga hor tagay xilli hore ku fididooda Latiinka,isla markaana fariin adag loo diray.
