Farmaajo iyo Xasan,ayaa hor istaagay in Somaliya yeelato caasimad la tartanta kuwa caalamka oo sidaa umadaha kale ula fajacaan qurxdeeda.
13-kii sano ee udanbeeyay oo Adis ay horumarka samaynaysay,waxaa talada Villa Somaliya iskaga danbeeyay Xasan iyo Farmaajo,waana khasaariyeen dalka oo dib ayay uceliyeen 20-sano.
Subixii Mw Shariif xilka uu ku wareejiyay Mw Xasan rajada soo kabashadu cirkay maraysay dadkuna hami sare ayay lahaayeen…
1.Dalkii oo Dastuur laysla ogol yahay yeeshay.
2.Dalkii oo kmg ka baxay.
3.Dalkii caasimadiisii oo AS laga saaray.
4.Xamar oo ay bilaabatay in layskugu soo laabto.
Waxaase ka danbeeyay….
1.Dastuurkii laysla ogolaa oo lagu tuntay.
2.Dalkii oo dib loogu celiyay kaligii talye.
3.Midnimadii soo kabanaysay oo istaagtay.
4.Is aaminaadii soo kobcaysay oo joogsatay.
5.Rajadii oo luntay.
6.Kala tag oo miiska soo fuulay.
Fashilka dhacay Labadaa Madaxweyne,ayaa leh.
