Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka mustaqbalka Somaliyed,waa qodobadii loo baahnaa ee mudnaa xilligan….
1.Waxaa la cadeeyay in Mw Xasan ku fashilmay hogaaminta dalka iyo arimihii loo igmaday.
2.Waxaa daaqada laga tuuray Dastuurkii Xasan samaystay.
3.Waxaa lays xasuusiyay mudo xileedka Labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraalka ah xilliga uu ku eg yahay.
4.Waxaa lays xasuusiyay mudo xileedka Madaxweyne Xasan xiliga uu ku eg yahay.
5.Waxaa loo sheegay DG KG,Galmudug iyo Hir-shabelle in ay qabtaan doorashadii hay’adahooda dastuuriga ah ee mudo dhaafka noqday.
6.Waxaa la cadeeyay in Mw Xasan ku tuntay Dastuurka Fadaraalka ah iyo kan Dowlad Goboleedyada.
7.Waxaa Mw Xasan loo qabtay mudo Bil ah in uu Miiska wadahadalka soo fariisto.
8.Waxaa la xaqiijiyay mudadaas hadii Mw Xasan ku imaan waayo Miiska in Golaha Mustaqbalka Somaliyed qaadayo talaabo dalka lagu badbaadinayo oo doorasho lagu qabanayo.
9.Waxaa la macno tiray doorashada Mw Xasan kawado Gobolka Banaadir.
10.Waxaa la cadeeyay in Mw Xasan ku guuldaraystay la dagaallankii argagixisada.
Nuxurka Warmurtiyeedka soo baxay,waa intan,waana qodobo muhiim ah oo bulshada Somaliyed qalbiyada uqaboojiyay.
Sidoo kale,waa qodobo ku filan in dalka lagu badbaadiyo.
