Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Falastiiniyiinta oo wada bannaan-bax ka dhan ah Madaxweyne Cabaas
    Somalia

    Falastiiniyiinta oo wada bannaan-bax ka dhan ah Madaxweyne Cabaas

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 4, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa Sabtidii isugu soo baxay magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto, ayaga oo ka banaan-baxaya madaxweyne Maxamuud Cabaas, xilli ay jirto carro ka dhalato geerida nin dowladda dhaliili jiray oo xabsi ku dhintay isaga oo gacanta ugu jira ciidamada ammaanka.

    Nizar Banat oo aad u dhalleeceyn jiray maamulka Cabaas, islamarkaana u taagnaa doorashooyinka baarlamanka ee la rabay in la qabto bishii April, balse la baajiyey ayaa geeriyooday kadib markii ay xireen ciidamada ammaanka maamulka kadibna ay si xun u jir dileen.

    Ciidamada Maamulka Falastiiniyiinta iyo rag dharcad ah ayaa si rabshado leh u kala eryey dad dibad-baxan oo kale dhigayey toddobaad kahor, taasi oo keentay walaac ay muujiyeen Mareykanka iyo madaxa xuquuqda aadanaha QM. Dibad-bixii Sabtida ayaan laga soo werin wax rabshado ah.

    Dibad-baxa ayaa ku billowday dhowr boqol oo isugu soo baxay Fagaaraha Al-Manara e ebartahama Ramallad, halkaasi oo xarun u ah Maamulka Falastiiniyiinta.

    Hooyada Nizar Banat, dhaq-dhaqaaqaha ay geeridiisa bishii tagtay ay horseeday dibad-baxyada, iyo xubno ka mid ah qoyskooda ayaa soo dhoweeyey dibad-baxyada ayaga oo halkaas ka jeediyey khudbado.

    Dibad-baxayaasha ayaa kadib aaday faras magaalada, waxaana kadib kusoo biiray kumanaan qof oo ku qeylinayey “Shacabku waxay doonayaan in taliska uu dhaco, oo uu Cabaas naga tago,” ereyadaas oo ka mid ah kuwii ay adeegsan jireen dibad-baxayaashii dalalka Carabta ee qeybta ka ahaa kacdoonkii Guga Carabta.

    Ciidamada ammaanka ayaa xirtay waddo gasho xarunta dowladda, si ay uga hortagaan in dibad-baxayaasha ay gudbaan.

    Maamulka Falastiiniyiinta ayaa sagaashamaadkii lagu aas-aasay heshiis nabadeed, wuxuuna maamulaa qebo ka mid ah Daanta-Galbeed ee Israel ay haysto.

    Maamulkan oo uu madaxda ka yahay Cabaas ayaa hadda isku beddelay kali-talis aan haysan taageerada shacabka, waxaana Cabaas uu bishii April baajiyey doorashooyinkii ugu horreeyey ee dhici lahaa muddo 15 sano ah, kadib markii ay caddaatay in xisbigiisa Fatah si xooggan looga adkaan doono. Dagaalkii Gaza ee dhacay bishii May ayaa Cabaas wuxuu ka joogay banaanka, xilli kooxda ay xifaaltamaan ee Xamas oo maamusha Gaza ay heshay taageero ballaaran.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.