Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fallanqayn: Weerarkii Maleedhiyaadka Al-Shabaab Ku Qarxiyeen Xeebta Liido
    Somalia

    Fallanqayn: Weerarkii Maleedhiyaadka Al-Shabaab Ku Qarxiyeen Xeebta Liido

    𝕯𝖗. π—πˆπƒπƒπˆπ†By 𝕯𝖗. π—πˆπƒπƒπˆπ†August 3, 2024No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida ka muuqata muuqaallada argaggaxa ah ee la faafiyay waxa uu weerarka ahaa, waxa ay ururka Alshabaab ugu yeeraan, ISTISH-HAADI, ee ma ahayn INQIMAASI. Kan hore macnihiisu waa weerarka ku eg qaraxa uu qofka isku soo xero sidaa jaakad uu gashan yahay ama gaadiid uu wado, halka INQIMAASIGU uu yahay weerarka ku billowdoa qof isqarxiyay kadibna dagaalyahanno kale ay galaan dhismaha uu bartilmaameedku yahay. Haddaba, weerarka caawa ka dhacay xeebta liido waxa uu ahaa ISTISH-HAADI oo kaliya, weliba nooca qofka isku soo xira jaakadaha ku rakiban walxaha qarxa.

    Xeeladdan ah in qof uu isku soo xiro jaakadaha qarxa waxa ay soo bateen wixii ka dambeeyay 2018-dii. Badanaa waxa ay AS adeegsadaan xeeladdan goorta ay adkaato inay gaadiidka qaraxa ay bar-kontoroollada ka gudbiyaan ama ay weerari rabaan goob ay adag tahay in gaari qarax ah la galiyo. Tusaale, sannadkii 2020-kii waxaa dhacday 22 qarax ah, 11 kamid ah waxa ay ahaayeen jaakadaha ku rakiban walxaha qarxa. Sannadkii 2021-diina waxaa dhacday 27 qarax ah, 13 kamid ah waxa ay ahaayeen jaakadaha qaraxa ah. Sannadkii 2021-dii waxaa la diiwaangeliyay dadkii ku nafwaayay 27-daas qarax inay gaarayaan 625 qof, halka dhaawacane uu noqday 611 qof.

    Mid kamida qaraxyada sannadkaas dhacay waxaa kamid ahaa weerar uu gaystay naftii-halige jaakad qarax ku labbisanaa oo goor fiid ahayd isku qarxiyay makhaayad ku taallay saddexda geed ee degmada Shangaani. Waxaa qaraxaas ku nafwaayay 15 dhalinyaro oo ka wada yaryaraa soddon jir. Si lamid ah sannadkaas waxa uu naftii-halige jaakad qaraxa xiran isku qarxiyay makhaayad ku taallay isgoyska Jubba. Sidoo kale, Cabdicasiis Afrika iyo Agaasimaha SNTV ayaa dhammaadka sannadkaas ayaa iyaga oo makhaayad ka soo baxay waxaa isku qarxiyay naftii-halige jaakad qaraxa ku labbisan.

    Weerarka caawa ka dhacay Liido kii ka horreeyay waxa uu dhacay June 2023-dii, waa sannad iyo hal bil. Isla makhaayada uu caawa ka dhacay mid u dhow oo Pearl Beach la dhaho ayaa uu ka dhacay. Balse kii caawa waxa uu kaga duwanaa waxa uu ahaa weerar INQIMAASI ah oo waxa uu ku billowday isqarxinta qof isku soo xiray jaakad qaraxa ah, kadibna dagaalyahanno ayaa gashay dhismaha makhaayadda.

    Khubarada amniga ayaa sheega in jaakada qaraxa ay badi ka buuxaan biro yaryar oo wada daxal ah iyo musbaaro tiro badan iyo kiimikooyin qaraxa ah, iyada oo looga golleeyahay haddii uu qofka ku dhimanwaayo uu xubnaha ka naafoobo oo ay galaan birahaas yaryar ee daxalka ah iyo masaabiirta. Waxaa kale oo la sheegaa in saamaynta jaakadaha qaraxa uu gaarsiisan yahay 60 illaa 70 mitir oo iskuweer ah. Dadka taagan ayaa la sheegaa inay ka halis badan yihiin kuwa fadhiya goorta uu naftii-haliguhu isku qarxiyo goobta. Sababta waxaa lagu sheegay in jaakadda qaraxa uu qofku ku sito qaarka sare oo kolkaa saamaynta u badan ay gaarayso dadka taagan ee ka agdhow.

    MAKTABKA QARAXYADA waa maktabka ugu bahalsan ee ay AS lee yihiin. Waxaa masuul ka ah Cabdullaahi Cismaan Maxamuud oo ururka looga dhexyaqaano Ismaaciil Injineer. Waa nin Xawaadle ah. Waxaa ku xigeen u ah Jehad Serwan Mostafa oo ah mujaahir Ameerikaan ah. Ismaaciil Injineer waxa uu xilkan qabtay November 2013-dii. Qaraxyadii dhacay November 2013 illaa caawa oo August 2024 ah waxaa masuul ka ah oo soo diyaariyay Ismaaciil Injineer. Xilka waxaa kaga horreeyay nin Duduble ahaa oo la dhaho Ibraahim Cali Cabdi oo loo garan ogaa Adeer Cali ama Anta Anta. Adeer Cali waxa uu maktabka qaraxa qabtay 2006-dii, waxa uuna hayay illaa October 2013-dii ay Maraykanku ku dileen deegaanka Dhaytubaako ee Jubbada Dhexe. Duqayn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayuu Maraykanku u adeegsaday dilka Anta Anta.

    Mid kamida kiimikooyinka uu Maktabkan soo iibsado ee ugu culus magaceedu waa TNT; halkii kiilo ee kiimikadan ayaa maktabkan ku soo iibsada $300. Waxaa kale oo kamida kiimikooyinka kale ee uu qaraxa maktabkan u adeegsado; Airsol, Gas-cylinder, Nitroglycerin, Potassium-nitrate iyo kuwa kale. Maktabkan ayaa xiriir fiican la leh ganacsato ka macaashta kiimikooyinkan iyo gawaarida duugoowday. Sidoo kale, maktabkan ayaa xiriir la leh geerashyada iyo labaajooyinka iyo busteejooyinka.

    Xeeladaha kale ee qaraxa ah ee maktabkan uu adeegsado ayaa kamid ah; Gaadiidka Qarxa, Jaakadaha Qarxa, Miinooyinka kala duwan; sida kuwa gaadiid lagu dhajiyo, kuwa la duugo ee rimuudka ku shaqeeyo iyo kuwa culayska taayarka ku qarxa, Laabtoob Qarxa, Daroonis Qarxa. Halka badi laga soo galiyo magaalada Muqdisho gaadiidka qaraxa waa Ceelasha Biyaha iyo naxaawixigiisa.

    Si kastaba, beegsiga tooska ah ee goobaha shacabka ah iyo adeegsiga jaakadaha qaraxa ah waxa ay tilmaamaysaa fashilka ku yimid maktabka qaraxa oo ay u awoodiwaayeen inay dhismo dawladeed bartilmaamsadaan. Dhanka kale, dawladda oo aad moodo inay ku guulaysatay xakamaynta gaadiidka qaraxa ayaa weli ku guulaysan la’ inay xal u hesho naftood-haligayaasha isku soo xira jaakadaha qaraxa ah.

    Dhammaan Alle ha u naxariisto shuhadadii caawa inaga shahiiday, sidoo kale, rabbi ha shaafiyo kuwa inaga dhaawacmay.


    Xuquuqda Qoraalka waxaa leh Aw Dacar

    Al-Shabab Federal Government of Somalia (FGS) Mogadishu Somalia
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Safiirka UK oo farriin gaarsiiyay Madaxweyne Xassan

    June 3, 2025

    CAL-MISKAAD: Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay masuul katirsan Puntland

    June 3, 2025

    Mareykanka oo jaray taageerada Ciidamada DANAB

    June 3, 2025
    Latest Posts

    Safiirka UK oo farriin gaarsiiyay Madaxweyne Xassan

    CAL-MISKAAD: Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay masuul katirsan Puntland

    Mareykanka oo jaray taageerada Ciidamada DANAB

    XOG: Xassan Shiikh oo Xallane kala soo tagay 2 qodob oo halis ku ah mustaqbalkiisa

    Cirro kulan la qaatay Raila Odinga

    DEGDEG: Xubno Daacish ah oo isu soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Farmaajo oo shuruud ku xiray gogasha uu dhigay Xassan Shiikh

    Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo ka socda Miraale

    Mareykanka oo dhimaya taageerada dhaqaale iyo Milateri ee Somalia

    Faallo:-See Puntland looga arkaa Shirarka iyo Waraaqaha kasoo baxaya Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.