Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Farmaajo “Beledweyne waxaan u nimi in aan idinla qeybsanno xanuunka”+VIDEO
    Puntland

    Farmaajo “Beledweyne waxaan u nimi in aan idinla qeybsanno xanuunka”+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta socdaal u kuur-gal ah ku tagay magaalada Baladweyne ayaa la wadaagay bulshada iyo maamulka heer Degmo iyo Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay hay’adaha heer Federaal samata-bixinta dadkeenna dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah.

    Madaxweynaha ayaa qiimeeyey gacanta ay ka geysteen Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha oo Xukuumaddu ay u xilsaartay yareynta khasaaraha iyo isku duba ridka hawlaha gargaarka deg-dega ah, isagoona bogaadiyey midnimada iyo is-garab istaagga ay muujiyeen dadka deegaanku.

    https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/2369431636655683/

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Hay’adaha Dowlaldda ee ay khuseyso dhammeystirka qorshaha kahor-tagga musiibooyinka dabiiciga ah, kaas oo xal waara u ah dhibaatooyinkan soo laalaabtay ee galaaftay nolasha iyo hantida muwaadiniinteenna.

    “Halkan waxaan u nimi in aan idinla qeybsanno xanuunka iyo dhibka aan ka aragnay fatahaadahan oo soo noqnoqday. In kasta oo tabarteenno la egtahay waa in aan u istaagnaa ka hortagga dhibaatooyinkan, Waxaan Alle naxariistiisa Janno u weydiinaynaa dhammaan muwaadiniinta nooga shahiiday.”

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladaha ka soo jaawabay qeylo-dhaantii ku aaddanayd musiibadan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shacabka iyo xukuumadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

    Ugu Dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiirri geliyey dadaallada isku tashiga iyo samafalka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka bilaabeen gudaha magaalooyinka dalka, jaaliyadaha iyo goobaha shaqada, kuwaas oo loogu gurmanayo walaalaheenna ku dhibaataysan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.