Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Farmaajo “Beledweyne waxaan u nimi in aan idinla qeybsanno xanuunka”+VIDEO
    Puntland

    Farmaajo “Beledweyne waxaan u nimi in aan idinla qeybsanno xanuunka”+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta socdaal u kuur-gal ah ku tagay magaalada Baladweyne ayaa la wadaagay bulshada iyo maamulka heer Degmo iyo Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay hay’adaha heer Federaal samata-bixinta dadkeenna dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah.

    Madaxweynaha ayaa qiimeeyey gacanta ay ka geysteen Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha oo Xukuumaddu ay u xilsaartay yareynta khasaaraha iyo isku duba ridka hawlaha gargaarka deg-dega ah, isagoona bogaadiyey midnimada iyo is-garab istaagga ay muujiyeen dadka deegaanku.

    https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/2369431636655683/

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Hay’adaha Dowlaldda ee ay khuseyso dhammeystirka qorshaha kahor-tagga musiibooyinka dabiiciga ah, kaas oo xal waara u ah dhibaatooyinkan soo laalaabtay ee galaaftay nolasha iyo hantida muwaadiniinteenna.

    “Halkan waxaan u nimi in aan idinla qeybsanno xanuunka iyo dhibka aan ka aragnay fatahaadahan oo soo noqnoqday. In kasta oo tabarteenno la egtahay waa in aan u istaagnaa ka hortagga dhibaatooyinkan, Waxaan Alle naxariistiisa Janno u weydiinaynaa dhammaan muwaadiniinta nooga shahiiday.”

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladaha ka soo jaawabay qeylo-dhaantii ku aaddanayd musiibadan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shacabka iyo xukuumadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

    Ugu Dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiirri geliyey dadaallada isku tashiga iyo samafalka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka bilaabeen gudaha magaalooyinka dalka, jaaliyadaha iyo goobaha shaqada, kuwaas oo loogu gurmanayo walaalaheenna ku dhibaataysan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.