Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Galmudug: QoorQoor iyo ku-xigeenkiisa oo isku mari la’ magacaabista Golaha Wasiirada
    Somalia

    Galmudug: QoorQoor iyo ku-xigeenkiisa oo isku mari la’ magacaabista Golaha Wasiirada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya khilaaf xooggan uu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

    Khilaafka labada Masuul ayaa salka ku haya magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug, kuwaas oo la filayay in maalmihii lasoo dhaafay lagu dhawaaqo, balse uu dib ugu dhacay khilaafka labada dhinac.

    Xubno ku sugan Madaxtooyadda Galmudug ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ay isku mari la yihiin Awood qeybsiga Golaha Wasiirada, kaddib markii Wasaaradaha muhiimka ah laga qadiyay beesha uu kasoo jeedo Madaxweyne ku-xigeenka.

    Kulamo saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay Madaxtooyadda Dhuusa-mareeb ayaa kusoo dhamaaday is mari waa, kaddib markii Madaxweyne QoorQoor uu sheegay in uusan waxba ka bedeli doonin Liiska Golaha Wasiirada ee uu diyaarsaday.

    Golaha Wasiirada Galmudug ayaa la filayay in arbacadii lagu dhawaaqo, mana jirto illaa hada wax tanaasul ah oo ay muujinayaan labada Masuul, taas oo loo badinayo inay sababto in maalmo dib u dhacdo magacaabista Wasiirada.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.